Cabdiraxmaan Ceynte ”Dhaqaalaha ay ku deeqday Q. M. waa in la waafajiyaa qorshaha horumarinta Qaranka”



Wasirka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte, ayaa soo dhaweeyey lacag gaareysa 2-milyan oo doolarka Mareykanka ah oo Sanduuqa horumarinta iyo nabadda ee Qaramada Midoobay uu ugu deeqay dowladda Soomaaliya, taasi oo loogu talo galay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mudane C/raxmaan Ceynte wasiirka Qorsheynta Soomaaliya waxa uu sheegay in deeqdaasi ay soo dhaweynayaan, balse waxa uu ku baaqay in la waafajiyo taageeradaasi Qorshaha Horumarinta Qaranka, maadaama dalku iminka uu yeeshay qorshe qaran oo dhameystiran.

Wasiirka ayaa taasi ku micneeyey in Qorshaha Horumarinta Qaranka ay ku cadyihiin gabi ahaanba arimaha horumarinta dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa deeqda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanse ugu baaqeynaa in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalku yeeshay, maadaama ay halkaas ku cad yihiin dhammaan arrimaha xagga horumarinta ee hortabyada leh”ayuu yiri wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte.

Dhaqaalahan ay ku deeqday Qaramada Midoobay ayaa si toos ah ugu dhacaysa Bankiga dhexe ee dalka, iyadoo hadii la waafajiyo Qorshaha Qaran ee dalkana ay sahleyso in sida loogu talo galay loo maareeyo.


Add New Comment