Wasiirka xanaanada xoolaha oo Talyaaniga kula kulmay madaxa he’yada FAO




Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa xafiiskiiisa kulan gaar ah kula yeeshay madaxa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO, iyagoo ka wada hadlay is-kaashiga FAO iyo Soomaaliya,waxay kale oo ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa tayada iyo tirada shaqooyinka FAO ay ka qabato dhinaca xoolaha,daaqa iyo calafka.

Sidoo kale Wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya ayaa  magaalada Rome ee dalka Talyaaniga waxa uu u qeyb galay shir ay he’yada cuntada iyo beeraha ee aduunka ee FAO soo qabanqaabisay kaas oo looga hadlayay ka hortaga dhibaatooyinka ka dhasha  masiibooyinka dabiiciga ah ee ELNINO iyo LANINA oo  ah badanaa kuwo ku soo noqnoqda dalal badan oo Africa iyo Aasiya ku yaal islamarkaana si weyn u naafeeya xoolaha,beeraha iyo degaanka iyo dadkaba.

Masiibooyinkan oo badinaa ka dhacay daadadka iyo abaaraha ka dambeeya,Shirkaan oo ay so qabanqaabiyeen heyadaha Qaramada Midoobey ee FAO,WFP iyo IFAD ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka socda dalalka Zimbabwe,Lesotha,Soomaaliya,Ethiopia,Vietnam,Palau,Fiji iyo Southern Africa Development Community.

Shirka ayaa waxaa laga dhegaystay dalalkaas dhibaatooyinka ay daadadku iyo abaarahu u gaysteen wadamadooda iyo xoolaha iyo dadkaba,Soomaaliya waxaa Shirka lagu martiqaaday oo matalayay Wasiirka xanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa Dr.Siciid Xuseen Ciid oo halkaas ka jeediyay khudbad iyo  wakiilka Soomaaliya u fadhiya FAO Dr.Ibraahim

Gabagabadii Shirkaas ayaa waxaa lagu saxiixay heshiisyo is-afgarad oo wadamadaas loogu sameeyay balanqaadyo lacageed oo lagula tacaalayo sidii looga hortagi lahaa saamaynta xun ee musiibooyinkaasi ay ku reebaan xoolaha iyo dadka xoolo dhaqatada,beeralayda iyo dadka nugul.



Add New Comment