Madaxweynaha oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa Qalabka Warbaahinta Qaranka u marsiiyay Hambalyada Ciidda Dadweynaha Soomaaliyeed isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo cadaalad.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa khudbaddiisa uga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Amniga iyo Horumarka Dowladda Soomaaliya ay kula jirto dagaalka Ka dhanka ah Argagixisada.

Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii sida qardarrada aheyd sanadkaan gudihiisa ay ugu dileen kooxaha argagixisada Al-Shabaab, isagoo kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay in ay si dag dag ah u bogsoodaan.

Madaxweyanaha ayaa soo hadlay qaaday doorashada Sanadkan la filayo in ay ka dhacdo Dalka, waxaana uu Xusay in ay noqon doonto 47 Sano kadib in markii ugu horreysay ay doorasho Cod dadweyne ah ay ka dhaceyso Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga qeybqaataan doorashada ka dhici doonto Soomaaliya.

Mar uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud Soo hadalqaaday Dagaalka Dowladda ay kula jirto Al-shabaab, waxa uu xusay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ku guuleystay la dagaallanka Argagixisada, Isagoo tusaale u soo qaatay weerarada sanadkaan ka dhacay dalal badan oo kamid ah wadamada uu daganaanshaha ugu wanaagsan ee calamku ku jira.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka iyo qarankaba u rajeeyay nabad iyo horumar, isagoo kula dardaarmay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka wada qeybqaataan horumarka dalka iyo dib uga soo kabashada coladda Sokeysa ee uu dalku soo maray.


Add New Comment