Shirka heerka wasiir ee caalamiga ah oo 29 kii bishaan ka furmay magaalada muqdisho ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho, iyadoo gaba gabada shirka ay ka soo baxeen qodobo fara badan oo la ‘isku raacay inay gogol xaar u noqon doonaan hiigsiga sanadka 2016 ka iyo ka faa’iideysiga New Dealka.Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.
Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.
Qodobada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ahaa guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaranyihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,
Dib u eegista dastuurka, iyadoo loo marayo hab sharciyeysan oo federal ah loona wada dhanyahay,hogaanka Soomaaliyeed iyo golaha sharci dejinta si loo gaaro qorsha mideysan oo doorasho sanadka 2016 ah, taasi oo hor seedeysa horumar,
Waxaa aad loo amaanay dagaalka ka dhanka argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo amisom iyadoo la dardar gelin doono qorshaha wada jirka ah ee lagu ciribtirayo cadowga iyadoo la rajeynayo howlgaladaasi ay wehliyaan gargaar bani’aadanimo,dhowrista xuquuqda aadanaha,iyo ilaalinta sharciga,
Waxaa la isla gartay inay talaabo muhiim ah tahay dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya,lana tixraacayo sharciga 1989kii,kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta,
Qorshaha dib u eegsita, waxayaabihii qabsoomay ayaa la isla gartay inay ka soo hoydeen guulo wax ku ool ah iyadoo la garwaaqsaday in la sii horumariyo,Waxaa la isla gartay in ahmiyad gaar ah lagu eego qaxootiga Soomaaliyeed ee Yeman kasoo qaxay taasi oo ah inay helaan dib u dejin iyo hooy dadka imaanaya,
Waxaa la isla agrtay in Somalia aysan duruuftu saameyn in 1 qof iyo hal cod loo dareero bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay wadanka waxaanan jiri doonin mudo kordhin marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka ah waqtigeeda sanadka 2016.
Madaxweynaha dalka mudanae Xasan shiiiq Maxamuud, Ra’isul wasaaraha Somalia Mudane Omar Abdirashiid Ali wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay ayaa si wada jir ah jir jiraa’id u wada qabtay, iyagoo bogaadiyay qodobadi ka soo baxay shirka, waxaana si isku mid ah ay u sheegeen in dalka Doorasho hal cod iyo hal qof aysan ka dhici Karin laakiin taasi badalkeeda ay dhici doonto mid ka balaaran tii 2012-ki ka dhacday Muqdisho, waxaana mas’uuliyiinta ay bogaadiyeen horumarka Dowladda Ay Ku Tilaabsatay.