Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Kenya
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay
Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Maj General
(Rtd) Lucas Kyonze Tumbo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, loona
baahan yahay in laga wada shaqeeyo abuurista jawi saaxiibtinimo, derisnimo
wanaag iyo iskaashi dhan kasta leh oo dan u ah shacabka labada waddan.
‘’Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir
wanaagsan la yeelato dalalka deriska.Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa Kenya
qaxooti ahaan iyo ganacsiba u tegay, waxayna taasi muujineysaa sida labada
shacab ay mar walba isugu baahan yihiin. Waana ka mahad celineynaa sida Kenya ay
inoo garab taagan tahay mar kasta’’.
Danjiraha Kenya Mr Tumbo, ayaa isna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo
dowladdiisa ay Soomaaliya u arkaan saaxiib muhiim oo siyaasadda iyo amniga
gobolka door weyn ka qaadan karta, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin iskaashi
iyo wax wada qabsi waxtar leh.
“Kenya waxay mar walba u taagan tahay inay Soomaaliya gacan siiso ha
noqoto dhinacyada amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga, iskaashiga dhaqaale
iyo wax walba oo dan u ah labada shacab’’, ayuu yiri Danjire Lucas
Kyonze Tumbo.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya
Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey labada dal.
Add New Comment
|
|
|