Wasiirka Cusub ee Wasaardda Caafimaadka oo Maanta Xilka la wareegay



Munaasabad xilwareejin ah oo maanta lagu qabtay xafiiska R/wasaaraha Xukuumada Federaalka soomaaliya ayaa waxaa xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaarada caafimadka Maxamed Xaaji C/nuur.

Xafladka xilwareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka wasaarada Cadaalada ahna ku Simaha R/wasaaraha iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada caafimadka.

Kusimaha R/wasaaraha Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo kulanka xilwareejinta ka hadlay, ayaa bogaadiyay howshii Qaranka Soomaaliyeed ay u soo qabatay Marwo Xaawa Xasan Maxamed, isagoo sidoo kalana Wasiirka Cusub ee Xilka la wareegay kula dar-daarmay wasiirka cusub ee xilka la wareegay inuu guto shaqadiisa si ay ku jirto daacadnimo iyo hufnaan, waxaana jiri doonta isla xisaabtan dhab ah sidaas waxaa yiri Mudane ilka jiir.

Wasiirka cusub ayaa sheegay inuu howsha wanaagsan ee ay soo qabatay Xaawo Xasan Maxamed uu meesheeda kasii wadi doono lana iman doono isbedel wanaagsan oo ku aadan shaqada cusub ee maanta loo dhaariyay.


Add New Comment