Sheekh Yuusuf C. Caynte oo Qarax ka Badbaaday iyo Baabuur Miineysan oo lagu Qabtay Muqdisho



Sh Y CC.jpgSheekh Yuusuf Cali Caynte oo xildhibaan kasoo noqday Baarlamanka Soomaaliya, haatanna ah Guddoomiyaha Majmaca Culummada Soomaaliyeed, ayaa Caawa fiidkii ka badbaaday Qarax Gaarigiisa loogu xiray, iyadoo dhinaca kale ay Ciidamada Amniga Dowladdu FS ku qabteen Muqdisho Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Guddoomiyaha Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sh. Yuusuf Cali Ceynte ayaa gaarigiisa wuxu ku qarxay waddada Maka Al-Mukarama, xilli uu dibada ka joogay, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay Qaraxaan.

Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir, Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda Somalia ayaa sheegay in qaraxa gaariga loogu xiray Sh. Yuusuf Cali Caynte, aysana waxba kasoo gaarin Sheekha iyo dadkii goobta ku sugnaa.

Sh. Yuusuf Caynta ayaa wuxu Aabe u yahay Wasiirka Qorsheynta XF Somalia Cabdiraxmaan Caynte, waxaana qaraxa lagu weeraray uu kusoo beegmayaa xilli toddobaad ka hor uu sidan oo kale Qarax uga badbaaday mid ka mid ah odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidamada Sirdoonka Somalia, ayaa gacanta ku dhigay Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaas oo la dhigay Meel Waddada Dhinaceeda ah, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Saraakiisha Nabad-sugidda Somalia, ayaa sheegay in Gaarigaan la dhigay Meel ay Shacabku ku badan yihiin oo ka tirsan Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, balse ma aysan sheegin cid lagu qabtay gaariga iyo cid goobta dhigtay.

Ugu dambeyn, Saraakiisha NISA, ayaa sheegay in qabashada gaarigan ay Gacan ka geysteen shacabka deegaanka, kuwaasoo ay xuseen inay ciidamada ku soo war-geliyeen inay ka shakiyeen gaari waddada lasoo dhigay, kaddibna markii la baaray laga helay waxyaabaha Qaraxa.

Add New Comment