Madaxwaynaha dalka oo kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle oo uu ciidamo Tababar uga socdo



Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mgaaray Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose Halkaas oo hada ah Saldhig lagu Tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha oo ay wehliyeen Taliyayaasha Xoogga Dalka Somaliyeed iyo Ciidanka Cirka, waxaana uu halkaasi ku booqaday Cutubyo ka tirsan Komaandooska Xogga Dalka Somaliyeed oo in muddo ah tababar uga socday saldhiggaasi, isagoo halkaasi khudbad ka jeediyay.

Saldhiggan waxa horey loogu tababaray Cutubyo ka tirsan Kommaandooska soomaaliyeed, kuwaasi oo qayb wayn ka qaatay la dagaalka kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab, iyagoo fuliyay hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxdaasi, laguna dilay hoggaamiyayaal muhiim u ahaa Nabad-diidka.


Add New Comment