Taliye cusub oo la wareegay hogaanka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya






General Cismaan Nuur Subagle ayaa la wareegay hoggaanka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee  AMISOM, kaddib markii la bedelay taliyihii hore general Jonathan Rono.

Janaraal Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika  danjire Francisco Caetano Madeira,iyagoo  sheegay in isbedelkaan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

“Janaraal ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeenna, Hadda fikradda howgalka waxay gashay xoog, hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yaha,” ayuu yiri danjire Madeira.

Wuxuu xusay in howlgalka uu diiradda saari doono xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaban doona doorashada Soomaaliya, taas oo taliyaha cusub uu u lahaan doona dareen dhow isla markaana uu ku bixin doona hogaanka looga baahan yahay si arintaas loo xaqiijiyo.

Janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa  u dhashay dalka Djibouti  isagoo soo noqday madaxa AMISOM ee qeybta difaaca intii u dhaxeysay 2012-2013-kii,waxaana Danjire  Madeira uu u rajeeyay janaraal Subagle guul

Add New Comment