Jen. Gaafow oo si buuxdo loogu magacaabay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida




Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay si rasmi ah xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ugu magacaabeen Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo xilkan si KMG ah u hayay.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla garteen in Jen, Gaafow si rasmi xilkaas loogu magacaabo, maadaama uu yahay nin waayo arag ah, isla markaana ka bixi kara xilkaan.

Jen. Gaafow ayaa horay u hayay xilka Taliyaha laanta Socdaalka, waxaana la ogeyn in xilkan uu sii heynayo iyo in kale, balse waxaa wararka qaar sheegaya in xilka uu wareejin doono marka dowladda cusub la soo dhiso.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay afgambigii ka dhacay Turkiga, iyadoo taageero loogu muujiyay dowladda madaxweyne Erdogan.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay marka uu dhamaaday shirka ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid xoogan, isla markaana ay sii soconeyso mashaariicda Turkiga ka wado Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa joojiyay Mashaariic uu Soomaaliya ka waday ninka hoggaaminayay isku daygdii afgambiga ee fashilmay Col. Muharrem Kose, waxaana la sheegay inuu ahaa Madaxda Hey’adda Nile Academy oo gacanta ku heysa Dugsigii Buulo Tikniko.


Add New Comment