Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay Afgambigii dhicisoobay



Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan.

Mr Erdogan ayaa tilmaamay in kooxaha ka dambeeyay afgembiga fashilmay ay muteysan doonaan ciqaab adag, isagoo intaasi raaciyey in hadda loo baahan yahay nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” ka dib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.

Madaxweyne Erdogan ayaa shacabka iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Turkiga ku amaanay dadaalka ay sameeyeen, waxaana uu sheegay in cid waliba oo qorshahaasi ku lug yeelata la ciqaabi doono.

Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda.

Kumannaan qof oo ah shacabka dalka Turkiga oo diidan isku-dayga afgembi ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul iyo Ankara.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in 17 askari oo boolis ah lagu dilay xarunta ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ankara.




Add New Comment