Wasiir Maareeye: “Dowladdu ma mamnuucin mooto Bajaaj”



Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa caddeeyay in dowladda aysan u qorsheysneen in ay mamnuucdo mooto Bajaajka, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldan u fasiray hadal uu dhawaan ka jeediyay kulan mamulka gobolka Banaadir uu qabtay.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo u waramay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin go’aan dowladeed oo ah in la joojinayo mooto Bajaajka, waxaana uu ka digay dadka sida qaldan u fasira hadalada madaxda ee aan laga eegin dhanka wanaagga ah.

“Ma jirto go’aan Wasaaraddeed ama dowladeed oo lagu mamnuucayo mooto Bajaajka loo yaqaan, hadalkana waxa uu ka dhashay kulan uu Guddoomiyaha Gobolka la lahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka, arrinta waxa ay ahayd fikir ah sharciyadda iyo amniga oo ah in la maareeyo, balse waxaa jirta dad si qaldan u fasiray oo doonaya inay iska hor keenaan shacabka iyo dowladda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo iska fogeeyay hadal si qaldan loo fasirtay.

Wasiirka ayaa xusay in Mooto Bajaajka ay wax badan ku soo kordhisay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, isla markaana ay dhallinyaro badan u noqotay fursado shaqo abuur ah, waxaana uu intaa ku daray in dowladda aysan u qorsheysneyn in ay mamnuucdo Bajaajka ama Tuk tukleyda.


Add New Comment