Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa
sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe la isugu dhafayo Ciidamada ku
sugan gobollada dhexe, si amniga deegaanadaasi loo xoojiyo.
Madaxweyne
Guuleed ayaa sheegay in dhowaan uu magacaabi doono guddi amni oo ka
kooban dhamaan saraakiisha kala duwan ee maamuladii gobollada dhexe ka
jiray iyo saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka, si ay uga shaqeeyaan
amniga iyo xasiloonida
“Waxaan wadnaa qorshe ku saabsan sidii la
isugu dhafi lahaa, loona mideyn lahaa ciidamada kala duwan ee deegaanada
ku sugan, waxaa dhowaan la sameynayaa guddi amni oo arrintaas ka
shaqeynaya, amniga iyo xasiloonida deegaanadan loo xoojin lahaa”ayuu
yiri madaxweyne Cabdikariim.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in
aragtida maamulkiisa ay tahay sidii nabad, xasilooni iyo deris wanaag uu
kula noolaan lahaa maamulada deriska la ah sida uu yiri.
“Anaga
maamul ahaan waxaa naga go’an inaan nabad, xasilooni iyo deris wanaag
aan kula noolaan maamulada deriska ah, ma filayo anaga iyo Puntland in
wax dhibaato ah inay naga dhex dhici doonaan, wixii khilaaf iyo kala
aragti duwanaan jira wada hadal ayaa lagu xalinayaa”ayuu yiri mudane
Guuleed.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim X. Guuleed ayaa sheegay
in caasimada maamulkiisa ay tahay magaalada Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay
gacanta ku hayaan maamulka Ahlusuna oo ka soo horjeeda maamulka lagu
dhisay Cadaado.
23-ka bishan ayaa la filayaa in lagu caleema saaro
degmada Cadaado Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariim Xuseen
Guuleed iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyadoo munaasabada caleema saarka
ay ka qeyb galayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.