DUQA MUQDISHO: Amni-darada Xamar ka jirta Waxay ku timid Hubka oo aan Xakameysneyn




duqa.jpgGuddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in weerarada iyo amni-xumada ka jirta Muqdisho ay sabab u tahay hubka oo aan ahay mid ku jira gacanta dowladda iyo ciidammo hubeysan oo Xamar iska dhex-socda.

Duqa Muqdisho, ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay isku ekeysiiyaan inta badan ciidamada dowladda Somalia, ayna weerarro ka geystaan meelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.

"Ciidamada Milateriga ee aagagga dagaalka ku sugan iyo kuwii kasoo laabtay ayaa soo wada-galay magaalada, Waddamada Qaarna sidan oo kale way ka dhacdaa, balse waxay adag tahay in la xakameeyo hubka," ayuu yiri Duqa Muqdisho oo la hadlayay VOA-da.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in xerooyinkii lagu xareyn jiray ciidamada dowladda la burburiyay, taasna ay keenayso in marka ay ciidamadu ka yimaadaan furumaha dagaalka ay magaalada soo galaan, maadaama aysan jirin xeryo ay galaan.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa uu sheegay in gaadiidka magaalada dhex-mara aan mararka qaarkood la baarin, taasna ay keeni karto in la isitmcaalo direyska ciidamada si la isugu ekeysiiyo loona geysto falal ammaan-darro ah.

Ugu dambeyn, Hadalka Yuusuf Jimcaale ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiligan ay u muuqato in Al-shabaab ay kordhiyeen Weerarradii Qaraxyada ah ee ay ka geysanayaan Muqdisho.

Add New Comment