Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee aqalka sare ee Barlamaanka




Xarunta aqalka sare uu ku shaqeyn doono hadda kaddib, waxaa dhistay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talo-galay markii horeyba in ay noqoto xarun waxbarasho oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka odeyaasha ee Barlamaanka F. Soomaaliya, ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka sare.

Madaxweynaha, ayaa soo kormeerray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee loo diyaariyey in uu ku shaqeeyo aqalka Odeyaasha, si gaar ahna Hoolka fadhiyada ay ku yeelan doonaan.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Koobaad ee Aqalka sare, waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha, guddoomiyaha KMG ah ee aqalka, saraakiisha ciidammada Qalabka Sida, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Sanatorrada cusub.

Guddoomiyaha KMG ah ee aqalka odeyaasha ee Barlamaanka F. Soomaaliya Maxamed Xuseen Raagge, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan, dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sanno, haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntaan weyn, waxa uu tilmaamay in xarunta Aqalka odeyaasha ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan, ayna ahaan doonto goob waxbarasho, dhowaan waxaa uu xusay in uu bilaaban doono dhisme weyn oo ay lahaan doonaan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay xubnaha aqalka odeyaasha ee Barlamaanka Soomaaliya in ay guda galaan shaqooyinkooda, dowladduna ay xoogga saari doonto in ay soo dadajiso waxyaabaha ka haray adeegyada ay u baahan yihiin, madaxweynaha Soomaaliya, ayaana si rasmi ah u furay Kal-fadhiga koobaad ee Aqalka Sare.

Xarunta KMG ah ee aqalka odeyaasha Barlamaanka F. Soomaaliya, waxa ay taalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir,  iyadoo dhowaan la rajeynayo in ay ku qabsoommaan fadhiyada caadiga ah ee aqalka odeyaasha.

Add New Comment