Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa
maanta dhagax dhigay warshad sameyn doonta labiska ciidamada dowladda, dhagax-dhigga warshaddan cusub ayaa waxa goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.
Warshaddan
oo dhismaheeda ayaa waxaa gacan ka geysaneyso dowladda Turkiga, waxaana
ay Ciidamada ka haqabtiri doontaa baahida labiska Ciidamada, taasoo
keeneysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo
marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana wasiirku uu sheegay in
lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono
mashruucan.
“Maanta
waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u
toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo
dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga
celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.
Wasaaradda
Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga
dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin
si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee
2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka
X.D.S.