Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ku dhowaaqay inuu yahay Murashax Guddoomiyaha Baarlamaanka



Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xildhibaan C/shiid Maxamed Xiddig ayaa ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka uuna gudbiyay dhamaan dukumintiyadii musharaxnimo.

C/shiid Xiddig ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu ku guuleysto hogaaminta hogaaminta baarlamaanka afarta sano ee soo socota. Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in uu  doonayo in uu la yimaado isbedel siyaasadeed oo dhab ah, lana Xiriira Hogaanka Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxana uu beeniyay Xildhibaan Xiddig in uu Musharax u yahay cid gaar ah, maadaama maalmihii u dambeeyay arrintaasi la isla dhex marayay. Ku dhowaaqista iyo u gudbinta dukumintiga musharaxnimo uu u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa ay dhabar jab ku noqonaysaa musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha iyadoo ay dhici karto in qaaba hogaanka dalka uu wax iska bedelo haddii uu ku guuleysto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaan Xiddig.

Musharixiinta ku dhowaaqday inay u taagan tahay xilalka ugu sareeya guddoonka baarlamaanka ama golaha shacabka ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo u tartamaya guddoomiyaha baarlamanaka halka ay Khadiijo Maxamed Diiriye ay sheegtay in ay u taagan tahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Guddoonka Doorashooyinka Baarlamaanka ayaa sheegay in 11ka illaa iyo 12ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoonka baarlamaanka.


Add New Comment