Diwaangalinta Musharaxiinta Xilka Gudoomiyaha Baarlmaanka oo Maanta ka Bilaabanaysa Magaalada Muqdisho





Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhawaaqay in Maanta oo Talaado ah oo taariikhduna ay ku beegan tahay 03 Janaayo in Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad iyo kan Labaad.

Guddoomiye Bayle ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 5 Bisha Janaayo oo ah Maalinta Khamiista ah ay ku egtahay in la diiwaan gelinayo Musharaxiinta tartameysa.

Waxana uu sidoo kale rajo Wanaagsan ka muujiyay in waqtiga ay u qorsheeyeen doorashada Guddoonka Baarlamaanka ay ku dhacdo isla markaana aysan jiri doonin wax dib u dhac ah.

Bayle ayaa ugu danbeyntii xusay in Guddigooda ay shaqada ugu egtahay markii la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Koowaad iyo Labaad.


Add New Comment