Cutubka
4-aad:- Ka dar oo dibi dhal.
Qeyb-ta 12aad
Haddaan
xaalada dhan kale kala wareegno, waxaa Mombasa ka oogan olole ay reer
Xaaji Dhengad uga gol leeyihiin u guuritaanka Nairobi, arrintaasina
waxay soo cid gashay markii uu Hire ka soo laabtay Nairobi, isagoo
reerka uga waramay noloshii uu ku soo arkay halkaas, intaa wixii ka
dambeeyayna waxaa reerka oo ay ugu horeyso Hooyo Libin wada saameeyay
dareen ay ku xiiseynayaan u guuritaanka Nairobi.
Waxaa kaloo
jirey qorshe u gaar ahaa Maama Libin oo ay dooneysay inay ku
dhameys-tirto wiilkeeda Heybe agtiisa, abaabulka arrinta
guuritaankuna si xowli ah ayay ku socotay, iyadoo ay caruurta iyo
Hooyadoodna ku bixiyeen dadaal aan yareyn sidii loo meel marin lahaa
qor-shahaas isaga ah.
Intii muddo ah waxaa socday xiriiro u
dhexeeya raga jooga Nairobi iyo qoys-ka intiisa kale ee ku sugan
Mombasa, waxayna isla lafo gurayeen arrinta ku saabsan in lagu wada
noolaado Nairobi, taasoo la isku raacay markii meelo badan xaalada
laga eegay, si dhugmo lehna loo shaan-dheeyay daruufaha u gaarka ah
reerkan ay waayuhu ka soo haatiyeen halkii ay ku noolaayeen xilli
badan, ruuxa qura ee qor-shaha ka hor yimid-na waxay ahayd Nafiso oo
da’ ahaan ku xigtay Heybe taasoo ay u socdeen howlo dhoof oo ay
keligeed salaxatay, reerkuse moogaayeen.
Nafiso waxay
Hooyadeed iyo walaalaheed u sheegtay inay reer ka mid ah qoysaska
sidooda oo kale ka soo dalaabay Muq-disho, oo ay si aad ah isku
barteen iyada inay ku dareen liis uu dalbaday wiil ku maqan
Mareykanka, ayna rajeynayso inay dhowaan wax u hirgalaan, sidaas
ayayna ku sababeysay ka haritaanka ay ku hareyso Mombasa, waxayna
raali gelin ka bixisay inay arrintaas ka qarisay reerka.
Soo
jeedinta Nafiso waxay caro lixaad leh laabta uga beertay Libin oo aad
uga xumaatay in gabadheedu ku dhaqaaqdo talaabo iyada u gaar ah,
waxayna si gocosho leh u soo xusuusatay weedha caanka ah ee WAXAAD
DHASHAY KUMA DHALIN, oo waxay liqi weyday kana degi waayay waxa
gabadheedu fashay ee ah inay keligeed isku tashatay oo si hoose oo
nafteeda ku kooban u haweysatay safar aan lala ogeyn reerkuna la
socon.
Arrinta ay ka dhawaajisay Nafiso waxay is maan dhaaf
dhex dhigtay iyada iyo Hooyadeed, xaalkuna meel xun buu gaaray, iyo
in lagu kala dhinto, warkiina wuxuu gaaray Heybe iyo Siciid, oo waxaa
u sheegay lana socodsiiyay Hire oo ay ku adkaatay inuu xaliyo, Heybe
qorshe ayaa u qoosh-naa, maankiisoo dhammina wuxuu si qoto dheer ugu
mash-quulsanaa qorshahaas, mana dooneyn in laga qaso oo qulub laga
geliyo, sidaa awgeed ayuu sii walaaciyay arrintiina uga sii daray,
halkii uu ka dejin lahaa, is fahamna dhex dhigi lahaa Hooyadii iyo
walaashii, iyadoo deganaan li’ida heysaa keentay in uu si aan
miir-adeegasho ahey-na arrinta u galay, taasina waxay uun sii
murjisay is maan-dhaafkii ku dhex jirey labada is dhalay.
Raqba
waa ku rageed, arrintii waxay mudatay in uu damiyona ka dhammaan
weyday Siciid, isagoo maskaxda ku haya RAGNA TIISA MOOYEE MAAREE
DHIBAATO ayuu howshan u soo jeestay, wuxuuna soo aaday Mombasa,
markii uu reerka oo ay is moogaayeen in doora salaan hilow xambaarsan
wada deeqsiiyay, ayuu gudo galay qodobkii gun dhiga u ahaa safarkiisa
wuxuuna ku hormaray Hooyo Libin, oo uu si weyn uga sheekeeyay
isbedelada ku yimid dhaqankii ma guuraanka ahaa ee ummaddu lahayd,
wuxuuna maamada u dul maray in ay wax badani iska bedeleen dhaqankii
hufnaa ee lagu yaqiin dadkeena, isagoo u raaciyay taasi inay u sabab
tahay kala duwanaashaha u dhexeeya waalidiin badan iyo caruurtooda.
La soco
qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=
FIIRO
GAAR AH:-
Qofkii u baahan qeybaha kale ee sheekada wuxuu ka
daalacan karaa Qeyb-ta RA’YIGA ee isla bogan.