Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 13aad)




Cutubka 4-aad:- Kala maan.

Qeyb-ta 13aad

 
Nafiso:- waan samaynayaa taas waana raali gelinayaa Hooyo, adigana waxaan kaa rabaa inaad Hooyo ka dhaadhicisid inay ogolaato joogitaanka Mombasa, si aan uga lib keeno how-sha aan ka qal-qaalsaday reerkan islaameed, taasoo rumeynaysa riyo in badan i hor timid.

Sida laga fahmi karo wada hadalka u dhexeeyay Siciid iyo Nafiso, arrintu waxay u eg tahay mid xalkeeda la gartay, waxana natiijadu noqotay in maamada loo tago, oo ay Nafiso u hoyato Hooyadeed, taas bedelkeedana Nafiso waxay fileysaa in loo ogolaado qorshaheeda, ducona loogu daro.

Siciid oo ay gadaal kaga naban tahay Nafiso ayaa u tegay Hooyo Libin oo daaarada guriga fadhisa, salkana ku heysa saligii ay salaada Casir ku tukatay, dareen farxadeed ayuu wejigiisa ka doonay, si uu Hooyo uga sii hor-dhaco in xaalku yahay mid dhan walba u wanaagsan, wuxuuna dhinaca ka fariistay Eedadii Libin oo uu u aqoonsan yahay Hooyo, isagoo u tilmaamay Nafiso inay Hooyo marxabeysiiso, iyana waa yeeshay sidii uu farey, waana la isku bururey, oo sidii Haween lagu yiqiin la isku ooyay, oo la isku hagoogtey, daqiiqado ayaana lagu jirey dareenka sidaas ah, iyagoo weli isku maran ayay ku soo berdadeen Siciid oo leh:-

= Hooyo horey ayaan kuugu sheegay inaysan gabadhaadu mar-naba ahayn mid waalidkeed ka hor timaada, balse si un baad isku seegteen, waxaad-na isku si arki weydeen xaalad haddii si degan la isugu sheego la iska dhaadhicin karey, haatana waa tan kuu soo hoyatay, halkaas ayay-na ku tirtirtey caradii ay ku baday, marka waxaa haboon in aan gorfeyno arrinkii lagu kala booday ee la isku jiirey, kaas oo sidii aan mar sii horeysay kuu sheegay ku kooban dhalinta la eyniga ah ee uu dibad jaceyl-ku ka xoog badiyay.

Siciid markii uu intaa yiri ayaa waxaa hadalkii qaatay Hooyo Libin oo sidan u hadashay:-

Hooyo Libin:- Kii aan dhib la’aanta dhalayow Kheyr allaha ku siiyo, doorka aad maanta qaadatay wuxuu i soo xusuusinayaa Aabahaa Diiriye Budul, iyo sidii uu ahaa, hadalkii ayaa ka hakaday, waxaana indhaheeda soo dhaafay ilmo, markaasay hagoogtii ( Garbosaar ) u saarneyd dhab isugu asturtay, Nafiso iyo Siciid-na dhinacyaday kaga dhegeen si ay ula qeybsadaan murugada xusuustu keentay.

Daqiiqado aamusnaan ah ayaa la galay, Maama Libin-na waxaa daayay murugadii ay la ilmeysay markii ay qeybta xusuusta ee maskaxdeedu soo hor dhigtay Siciid aabihii oo iyada dhowr gu’ ka weynaa, kuna geeriyooday shil baabuur oo ku aadanka bartamaha 1982-dii ka dhacay inta u dhexeysa Garisyaani iyo Janta kundishe ee gobolka Hiiraan, gocashada damaqday qalbigeeda maaha mid iska yeel yeel ah ee waxay garashada xusuustu dib ugu sawirtay raganimadii uu lahaa, nin doornimadiisa ayay ka milicsatay dariishada xilliyada is daba xiga, kolkaas ayaa dareenku dubaaxiyay oo ay uurka ka hiiftay geerida war jeeftay hanadkaas hankiisu sareeyay.

Murugadaas hoodi soo tiri Hooyo Libin ayaaba soo gunaanaday dib u heshiisiintii laga dhex waday iyada iyo Nafiso, hadalkiina waxaa baro bixiyay oo meesha ka saarey aamus iyo is fiirin, sida xaalku yahayna waxaa dan bidayay Nafiso oo sidaa iskaga moostay cabsi badan oo ay ka qabtay dhanka Hooyadeed, si baaq ah ayay-na Siciid ugu sheegtay in uu iska baxo, is-na wuu iska baxay isagoo ka jawaabaya baaqeeda, waxaana isku soo haray iyada iyo Hooyo Libin oo laga dareemi karo wajacsanaan.

 
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=



Add New Comment