| 
 Cutubka 4-aad:- Dib u midoobidii qoys-ka.
 Qeyb-ta 14aad
 
 Nafiso waxay bilowday inay Hooyadeed sasab iyo raali 
gelin isugu darto, hagoogtii ayay u toos-toosisay, lugaha, madaxa, 
gacmaha, iyo oogada oo dhan ayay u riix-riixday ( Duugtay ), iyadoo ugu 
dareysa hadalo raali gelin waalidnimo lagu iidaamay, intaa kuma simine 
jikada ayay isku sii qaaday, iyadoo soo diyaarisay Qaxwo qaraar 
lagu darey sanjabiil, taasoo ay aad u jecleyd maamadu, weliba marka la 
gaaro casir gaabkii, iyada waxay ka tahay inay Hooyadeed hilmaan-siiso 
wixii dhex marey, ogolaashana uga hesho how-sheeda, Hooya Libinse waa 
beer wax dhaloo waaba ilowday wixii hore u dhacay, oo xalay dhalay ayay 
ka tahay waxaas oo dhan, waxay-se la madluunsan tahay xusuusta jaan ee 
hor keentay walaalkeed Diiriye oo ay dunida is daayeen Labaatameeyo sano
 ka hor.
 
 Siciid iyo Nafiso goor dambe oo la gaaray xilligii 
jiifka ayay iska wareysteen xaalada, waxayna Nafiso u sheegtay in uu 
halkaas kaga haro, waxayna ku tiri isaga:-
 
 = Waad ku mahadsan tahay walaal waqtiga aad ku 
bixisay sidii aad aniga iyo Hooyo isku faham siin lahayd, waxayna ila 
tahay in aad intaas kaga harto anoo huba inay Hooyo iga qanacday, wax 
walbana waa hagaagi doonaan.
 
 Siciid oo fahmi kara ula jeedadeeda, kana maan 
shisheeya iyada ayaa si kooban ugu sheegay in ujeedadiisu ahayd iyada 
iyo Hooyo oo isku uur-fiyoobaada, hal dhana wax u wada, haddii taas la 
helona ay noqonayso doonistiisa oo rumowday, iyo wixii uu dan lahaa oo 
la gaaray, wuxuu ugu sii daray in uu beritaba dib ugu noqonayo halkii uu
 ka yimid iyo Nairobi, haddii aanay qeylo dambe soo yeerin ee arrintu 
sidaa ahaatona waa baal la laabay oo aan dib loo akh-rin doonin.
 
 Waagii baa dilaacay, cad-cadeenii waxay nuurkeeda ku 
idleysay dhulka ku yaal dhinaca Bari ee Africa, sanku neeflihii ayaa soo
 dhoweeyay dharaarta soo qaabishay, waxayna nasasho kadib bilaabeen 
maalin kale oo ka mid ah cimrigooda, isagoo ku raad jooga hadalkii uu 
xalay u sheegay Nafiso, ayuu Siciid isku diyaariyay safar uu dib ugu 
laabanayo halkii uu markii horeba ka yimid ee Nairobi, wuxuuna salaan 
sagootin ah ka simay reerkii oo dhan, si gaar ah ayuuna u salaamay Hooyo
 libin, iyagoo wadajirana waxay rabi ka baryeen in uu nabad qab iyo 
ladnaan dib ugu kulansiiyo.
 
 Waa duni cilmigu waxyaabo badan u sahlee waxuu safar 
aan culeys ku saloogneyn ku gaarey meeshii uu ku noolaa waayihii ugu 
dambeeyay, soo noqoshadiisana waxaa sugi la’aa heybe oo dareensanaa in 
uu u baxay buuxinta kaalin uu isagu ka gaabiyay, isagoo aan sugin intii 
uu ku nasto ayuu ku bilaabay weydiin iyo sida uu u soo xaliyay xasaradii
 kala dhex gashay Hooyadiis iyo walaashiis, Siciid-na wuxuu tiraab ku 
siiyay in wax walba sidii ay ku wanaag-sanaayeen ku soo dhamaadeen.
 
 Howlo isku ujeeddo ah ayay ku mashquulsan yihiin reer
 Xaaji Dhengad, intii badneyd ee ku sugneyd Mombasa waxay si xowli ah u 
xaaleynayaan alaab xir-xirid iyo isku diyaarin safar, qoladii Nairobi 
joogteyna waxay u kan-sho hayaan sidii ay ku diyaarin lahaayeen hoygii 
ay reerka soo socdaa degi lahaayeen, how-shaasina waxay socotay in aan 
todobaad ka yareyn, markii la hubsaday in howluhu si hagaagsan u 
qabsoomeen, waxaa xigey safar geedi ah oo ka baxaya Mombasa kuna sii 
jeeda Nairobi, nabad qab ayayna ku gaareen meeshii ay u soo 
xir-xirnaayeen, nolol cusub ayaa u bilaabatay, iyagoo ka mid noqday 
Soomaalida ku nool xaafada Islii oo lagu yaqaan inay tahay meel 
Soomaalidu ku badan tahay, wixii ka dambeeyay qaran bur-burkii 
Soomaaliya.
 
 C/naasir Dalmar Maxamed.
   |