Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY Qeyb-ta 15aad




Cutubka 4-aad:- Farxadi waa naxdin.

Qeyb-ta 15aad

 

Sidii loo gudo galay Qaxa markii ugu horeysay ayay inta badan ee reerkani noloshu isku keentay, intii ku nooleyd gurigii Xaaji dhengad labo ruux mooyee intii kale haatan degal qura ayay dugaashanayaan, X. Dhengad oo xijaabtay dunidana ka xawaareeyay, iyo Nafiso oo ku soo hartay Mombasa ayaa ka maqan degaankan cusub ee Nairobi, kaasoo ay ku soo idlaadeen reerku.

 

Soo guuritaanka waxaa faa’iido gaar ah ka helay Hooyo Libin, waxay is heleen  qaar badan oo ka mid ah islaamihii ay isku yaqaaneen Xamar, inta badan waxay mash-quul ku ahayd waqti la qaadashada dumarkaas ay muddada is moogaayeen, qof ahaana waxay dhex gashay jewi cusub, oo waxay ka reysatay keli yuurarkii guriga, maadaama ay heshay asxaab ay booqato, iyaguna soo booqda.

 

Heybe dhankiisana wuu la dhacsan yahay dib u midowga reerka, waxaana u soo baxay firaaqo badan oo uu ku fiir-fiiriyo jaceylka ku soo foogan, maadaama uu Hire ku soo biirey how-sha dukaanka, intii uu u baahan yahay oo fasax ah ayuu heli karaa, wuuna u faro banaan yahay furdaaminta faalka caashaq ee isaga ku soo foorara, kuna soo fadhi xun.

 

Maalmihii ugu dambeeyay wuxuu ka cudur daartay in uu furo dukaanka, wuxuuna imaan jirey xilligii ay la noqoto, sidii caadiga u ahayd ayuu goor barqo u soo talaabo qaaday xaggii dukaanka, maalintaana wuxuu dareemayay farxad uu garan waayay waxa u sabab ah, isagoo isla yaaban, oo meel saari la’ farxada hareysay, welina aan helin waxay farxadu ku soo maagtay ayuu soo gaarey dukaankii, mise waxaa dhex taagan Haweeya oo qosol debecsan dhag ka siineysa, filan waa ayaa fara saarey, markaasuu hadalkii heli waayay, wuxuuna ka badin waayay in uu dhinacyada fiir-fiiriyo, miskiin....waxaa curuqyada jirkiisa culeys saarey lama canaantaanka calanka leh, kaa oo ay dadku u yaqaanaan CAASHAQ.

 

Sidiisoo kale lama saarnee salaan ay ku iidaantay dhoola cadeyn ilko muujin ah ayay u soo dawisay xaggiisa, isagood moodo oday low-low ah oo carabku dheelinaayo hadalkana aan toos u celin karin ayuu ka qaaday salaantii, intii madasha joogteyna waa dareemeen in burjigeedu afka ciida u daray aasaartiisii qofnimo, Siciid oo bilow iyo dhammaad arrimihiisa ula socday ayaa u soo taagay koob qaacaya oo shaah ah, bal inuu diirimaad ka helo kuna kululeeyo dareenkiisa la duqeeyay. 

 

Markii uu dhowr kol qac ka siiyay shaahii uu Siciid ku soorey ayaa dhidid kululi ka hoorey, wuxuuna bilaabay in uu hadlo, malaha wahabkii la sheegi jirey ayaa ka duuley, kaftan dhalinyaradu isku tuurtuureysay ayuuna qeybtiisa ka qaatay, iyagoo si xifaaltan ah u wadaagayay eedaha ay aalaaba raga iyo dumarku isku jeediyaan haddii ay meel ku kulmaan, wuxuuna Heybe difaacayay dumarka si uu garab u siiyo iyada oo keli ku ahayd dooda ka dhanka ah dumarka.

 

C/naasir Dalmar Maxamed.

[email protected]=



Add New Comment