Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 14aad)

Cutubka 4-aad:- Dib u midoobidii qoys-ka.

Qeyb-ta 14aad

Nafiso waxay bilowday inay Hooyadeed sasab iyo raali gelin isugu darto, hagoogtii ayay u toos-toosisay, lugaha, madaxa, gacmaha, iyo oogada oo dhan ayay u riix-riixday ( Duugtay ), iyadoo ugu dareysa hadalo raali gelin waalidnimo lagu iidaamay, intaa kuma simine jikada ayay isku sii qaaday, iyadoo soo diyaarisay Qaxwo qaraar lagu darey sanjabiil, taasoo ay aad u jecleyd maamadu, weliba marka la gaaro casir gaabkii, iyada waxay ka tahay inay Hooyadeed hilmaan-siiso wixii dhex marey, ogolaashana uga hesho how-sheeda, Hooya Libinse waa beer wax dhaloo waaba ilowday wixii hore u dhacay, oo xalay dhalay ayay ka tahay waxaas oo dhan, waxay-se la madluunsan tahay xusuusta jaan ee hor keentay walaalkeed Diiriye oo ay dunida is daayeen Labaatameeyo sano ka hor.

Siciid iyo Nafiso goor dambe oo la gaaray xilligii jiifka ayay iska wareysteen xaalada, waxayna Nafiso u sheegtay in uu halkaas kaga haro, waxayna ku tiri isaga:-

= Waad ku mahadsan tahay walaal waqtiga aad ku bixisay sidii aad aniga iyo Hooyo isku faham siin lahayd, waxayna ila tahay in aad intaas kaga harto anoo huba inay Hooyo iga qanacday, wax walbana waa hagaagi doonaan.

Siciid oo fahmi kara ula jeedadeeda, kana maan shisheeya iyada ayaa si kooban ugu sheegay in ujeedadiisu ahayd iyada iyo Hooyo oo isku uur-fiyoobaada, hal dhana wax u wada, haddii taas la helona ay noqonayso doonistiisa oo rumowday, iyo wixii uu dan lahaa oo la gaaray, wuxuu ugu sii daray in uu beritaba dib ugu noqonayo halkii uu ka yimid iyo Nairobi, haddii aanay qeylo dambe soo yeerin ee arrintu sidaa ahaatona waa baal la laabay oo aan dib loo akh-rin doonin.

Waagii baa dilaacay, cad-cadeenii waxay nuurkeeda ku idleysay dhulka ku yaal dhinaca Bari ee Africa, sanku neeflihii ayaa soo dhoweeyay dharaarta soo qaabishay, waxayna nasasho kadib bilaabeen maalin kale oo ka mid ah cimrigooda, isagoo ku raad jooga hadalkii uu xalay u sheegay Nafiso, ayuu Siciid isku diyaariyay safar uu dib ugu laabanayo halkii uu markii horeba ka yimid ee Nairobi, wuxuuna salaan sagootin ah ka simay reerkii oo dhan, si gaar ah ayuuna u salaamay Hooyo libin, iyagoo wadajirana waxay rabi ka baryeen in uu nabad qab iyo ladnaan dib ugu kulansiiyo.

Waa duni cilmigu waxyaabo badan u sahlee waxuu safar aan culeys ku saloogneyn ku gaarey meeshii uu ku noolaa waayihii ugu dambeeyay, soo noqoshadiisana waxaa sugi la’aa heybe oo dareensanaa in uu u baxay buuxinta kaalin uu isagu ka gaabiyay, isagoo aan sugin intii uu ku nasto ayuu ku bilaabay weydiin iyo sida uu u soo xaliyay xasaradii kala dhex gashay Hooyadiis iyo walaashiis, Siciid-na wuxuu tiraab ku siiyay in wax walba sidii ay ku wanaag-sanaayeen ku soo dhamaadeen.

Howlo isku ujeeddo ah ayay ku mashquulsan yihiin reer Xaaji Dhengad, intii badneyd ee ku sugneyd Mombasa waxay si xowli ah u xaaleynayaan alaab xir-xirid iyo isku diyaarin safar, qoladii Nairobi joogteyna waxay u kan-sho hayaan sidii ay ku diyaarin lahaayeen hoygii ay reerka soo socdaa degi lahaayeen, how-shaasina waxay socotay in aan todobaad ka yareyn, markii la hubsaday in howluhu si hagaagsan u qabsoomeen, waxaa xigey safar geedi ah oo ka baxaya Mombasa kuna sii jeeda Nairobi, nabad qab ayayna ku gaareen meeshii ay u soo xir-xirnaayeen, nolol cusub ayaa u bilaabatay, iyagoo ka mid noqday Soomaalida ku nool xaafada Islii oo lagu yaqaan inay tahay meel Soomaalidu ku badan tahay, wixii ka dambeeyay qaran bur-burkii Soomaaliya.

C/naasir Dalmar Maxamed.

 

Add New Comment