Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY. (Qeyb-ta 4aad)


  Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.

Cutubka 2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA.

Qeyb-ta 4aad.

Noloshu way hilimo badan tahay, himiladeeduna maaha mid kooban oo meel keliya ku hilan, mid haddii aad hanato, howl kale ayaad ku hamineysaa, taasoo ku hiyi kicineysa, hankaadana ku labo liseysa heybinteeda iyo doon-doonisteeda, hadafka aadmiguna ma hirqadee har iyo habeen wuu haraadan yahay, wuxuuna hig dheer ka arkaa oo hiigsadaa hilaac nololeedka ka bidhaamaya harooyinka rajada gadaashooda, kaas ayuuna u hayaamaa si aan looga hor marin haleelada ka hoortay, ogoobey-na dadku waa habaqle had iyo jeer la hinraagaya daalka nolosha.
 
Halkaas ishaarta QALINKU waxay ii qabaneysaa Heestii HAYAANKU MA MEEL FOG-BAA, oo uu hal-abuurey mid ka mid ah Aabayaasha suugaanta casriga ah, Abwaan Gaariye, uuna ku luuqeeyay Ileys-kii kooxdii Wasaaradda Waxbarashada ee Iftin Sayid Khaliifa, taasoo gun iyo baar cabireysay hiraalka noloshu inuu yahay hiigsi joogto ah, iyadoo Heestu muujisey halganka ugu mudan ee noloshu inuu yahay midka aqoontu hageyso.
Heybe haddii uu meel saaray nolol maalmeedkiisi, isla mar ahaantaana hirgeliyay qeyb ka mid ah hankiisa, haddana hiigsiga himilooyinkiisu dhankiisa hubaal kama ahee wax buu laabta ku hayaa, in uu hantana ku han weyn yahay, “FAANOOLE FARI KAMA QODNA” ayay naftiisu u dardaar warineysaa, waana dhab hirasho leh in qalbigiisa ay hoganeyso doonis uu u hanqal taagayo taabogelinteeda.
 
Hoga-tusaaleynta xilligu waxay isaga hor dhigtay qorshe cusub, in uu ka lib keenana waxaa ka horeeya in uu higaadiyo, garashana u yeesho ceynka uu yahay qorshahaas uu u haliilayo, ugu horeyn waa in uu helo ama sababeeyo baahida hin-qineysa luddiisa, taasina waxay u muuqataa in ay halxiraale ku noqotay garaadkiisa, si hoose oo ka (1)habdan dadkii uu la noolaa ayay xaaladu u saameysay hamigiisa, muddo ayuuna nudaha garashada heybinayay in ay naawilaan oo odorosaan hadafka ku naban niyadiisa ee ay naftu dooni.
 
Waxaad u muhatay haddana aadan micneyn Karin waa mashquul xag jira, maanku halkuu kuu midabeeyay haddaad muraayada qalbiga ka milcsan weyday iyana waa xujo mutaxan, xaajadaad maagan tahay haddey garashadu muujin weydo waa caqli madoobaad, “MUGDI HABEEN MAAHEE WAA MEEL AADAN AQOON”, maskaxda Heybe intii muddo ah-ba waxaa makaabsaday muran u dhexeeya isaga iyo naftiisa, dood aan dhammaan ayaana ka dhex oogantay.
 
Wax-baa laabtiisa ku taagan, kuna sii tarmaya, in uu wax tebayo wuu garwaaqsaday, waxuuse tahli waayay in uu tibaax u helo waxa ay yihiin, si uu markaas u turxaan bixiyo, wuxuu ku talamay in tacadi soo maagay, haddii uusan xal u helin tashwiishka ku furana wuxuu is tusay in tahluuko xaggiisa u soo talaabsanayso.
 
Welise ma awoodo in uu tilmaamo tebidda laabta kaga tiqraaran, ee uu waxay tahay taam u garan waayay,  jeer kasta oo uu soo xusuusto hamiga is qarinaaya ee hareereeyay maankiisa, wuu midab doorsoomaa, oo hinraagaa, laakiin intii karaankiisa ah ayuu dadka ka dedaa xaalada heysata.
 
Iyadoo ammuuruhu sidaa yihiin, fekerna u soo martiyay Heybe, qalbi magoogashada heysaana sii kor-dheyso, maskaxdiisana isla hadalku masalaha dhigtay, ayaa Waxaa shaki yari taabtay Siciid, oo tuhmay in walaalkii wax si ka yihiin, mar ay arrintaas ka wada hadleena Heybe wuxuu iska fogeeyay in ay dareenkiisa soo foodsaartay xaalad cakiran oo uu daah saarayo, Siciid-na waxuu ku kaaftoomay hadaladii Heybe.
 
 
La soco qeyb-ta xigta.
 
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=






Add New Comment