Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA.
Qeyb-ta 5aad.
Iyagoo
ku gudo jira howl maalmeedkoodii, meheradoodiina maareynaya, ayaa waxaa
dukaankii mudh soo yiri dhowr gab-dhood oo si wada jir ah u socda,
waxayna bilaabeen inay weydiin iyo kaas immisaad siisaan iyo keer soo
qabo ku mash-quuliyaan.
Muddo
saacad ku dhow ayay-na had-ba gees ka istaagayeen dukaankii, sida runtu
tahay uma socon in ay wax gataan, waxayse ahaayeen kuwo u soo baxay
inay ku soo ilwaadsadaan waxyaalaha kala duwan ee ganacsiga suuqa u
yaala, ama howaarta si kale u dhigee guri joog u soo baxay lugo daalin,
qaab dhaqankoodana waxaa ka carooday Siciid, oo si kulul uga dalbay inay
faaruqiyaan dukaanka haddii aanay wax iibsanayn, waxaase ka difaacay
Heybe oo ku yiri:-
Heybe:-
War gabdhaha sidaa ha ula hadlin, oo ka ilaali hadalka adag ileyn waa
dumare. Iyagiina wuxuu ku yiri soo dhowaada, dukaanka wax baad ku
leedihiine, markuu sidaa leeyahay wax-baa saaqay isaga, dareen siloon
baana sibiq ku galay….xaalkiisuna waa ISMA WADEE WAX BAY
WADA….ama……………………………KADISOW IGU SOO GALAYEE.
Gab-dhihii
muraad la’aanta u soo galay dukaanka mid ka mid ah ayaa saameyn ku
yeelatay Heybe, ogaal la’aan ayay-na indhihiisu ku maqnaayeen iyadaas,
humaageeda ayuu si himbiriirsi ah ugu dheygag-sanaa, haddii ay tiisu
ahaaneyso wuxuu dalban lahaa in ay iska sii joogto oo had-ba shey
weydiiso, maxaa daarey igaarka…..yaa kugu dhaama…gab-dhihii iyada la
socday ayaa hoosta iska gujiyay si ay isu tusaan sida uu wiilakni ugu
maqan yahay saaxiibtood.
Lo’duba
way taqaan wadada ceelka geysa, Heybana wuu yaqiinsaday in gabadha
xaggeeda looga yeeraayo, HADDAAN YARTA DEYN LAHAA….adigu dhameys-tiro, si
aysan u noqon mar la arag la dhuumata saameyn-teeda ayuu si wada jir ah
uga dalbay magacyadooda iyo halka laga heli karo ee loogu soo hagaagi
karo, haddiiba baahiyi timaado.
“Midaa
xagga u xigta waxaa la yiraahdaa Nadiifo, tan ka sokeysana waa Fartuun,
anigana magaceygu waa Haweeya, idinkana magacyadiina soo daaya”
Sidaa
waxaa uga jawaabtay codsigii Heybe middii miidaan-tiisa kicisey ee
maankiisu ku mashquulay, is-na wuxuu u sheegay magaciisa, iyo kan
Siciid, Haweeyana waxay u raacisay inay lugta soo marin doonaan markii
ay suuqa u soo baxaan-ba, markii ay sidaa leedahay-na waxay si xalad leh
u dabooleysay inay sheegto goobta degaanka u ah.
Si
kastaba, hadalkeedu wuxuu farxad geliyay Heybe oo si uu u muujiyo
qushuuca qalbigiisa buuxiyay qosol dhoola caddeyn ah dhag ka siiyay,
umase suurto gelin in uu helo barta rasmi ahaan ay ugu hoydaan ee raaska
u ah, intaa kadibna gab-dhihii oo xishood dumarnimo laga dareemi karo
ayaa albaabka ka degay.
Wax baa madlanaa mooyee gab-dhuhu iskama soo gelin dukaanka, daruuraa curtay oo dusha darre ka dadey dhulkii, cirkii
baa is xirey, seermo weydaa is keentay, saxan-saxadeedii baa saaqdey
Heybe, mahiigaan jaceyl baa onkoday, hilaac arrami siduu wagagac ka
siiyey, dabeylo aan dareen mooyee indho lagu arkeyn baa xawaareeyay.
Laamo
rucubyo miraa ku teedsan yihiin baa ruxmanaya, hirar baa is daba socda,
Mowjado dhaadheer baa rogmanaya, oo maxay sidaan, farxad, rajo,
mustaqbal iyo aayatiin, mise uur ku taalo, urugo, argagax, ayaan daro,
yaa og, wax badan oo ku dahsoon xilliga haddii hor-dhac ahaan loo sii
ogaan lahaa show macaanka nolosha ayaa dhumi lahaa, maalmuhu sugid ayay u
baahan yihiin mooyee wey imaan, DEG-DEG DOOR MA DHALEE aan isku deyno
waqtiga iyo Heybahan jaceyl-ku u soo martiyey.
La soco qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=