Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY(Qeyb-ta 7aad)



Cutubka 2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA.

Qeyb-ta 7aad.

 

Heybe wuxuu u muuqday ruux sirtiisi la kashifay, intii aanu hadlina dareenkiisa ayaa sawir guud ka bixiyay waxa saabkiisa ka buuxa, isagoon is hubin ayuu su’aashii Siciid kaga jawaabay sidan meer-meerka ah:-

Eeeen …. Waa runtaa dad wax kala qarsada maahin, qof ahaana ma tihid ruuxii aan wax ka qarsan lahaa, waxaad-se moodaa in aad deg-degayso, ood ka hor dhacayso xaalado aan imaan, marka u kaadi arrimuhu maaha sidaad moodeyso.”

Isagoo u sii holanaya in uu hadalka sii wato ayaa waxaa la hor dhigay su’aal kaloo u dhignayd sidan:-

Hadda ma waxaad i leedahay xageyga wax ku soo siyaaday ma jiraan?.”

Badiyaa waxaa dhacda in uu qofku tuhmo in dadka kale og-yihiin waxa qalbigiisa suran, Heybe-na waxay la noqotay in ina abtigii la socdo amuuraha ku qufulan laabtiisa, in cabaar ah-na wuxuu raadinaayay wixii uu kaga jawaabi lahaa su’aasha sirgaxan ee uu Siciid weydiiyay, isagoo aan weli helin jawaabtii uu siin lahaa ayuu Siciid ugu sii daray:-

Siciid:- Ma xusuusataa in aan horey kuu weydiiyay waxa si kaa ah ayaamihii ugu dambeeyay, mise ilowsan tahay in aan la socday sida ay dareenkaaga u saaqday gabadhii ka mid ka ahayd kuwii dan la’aanta dalaq noogu soo yiri, walaal ha is dabaalinine warka daboolka ka qaad aan siday tahay kuula taliyee.

Heybe mooskii baa ku ciirey, wuxuuna soo xusuustay hal-hays caruurtu dhihi jirtay kolkii qof lagu qabto wax uu qarinaayo ( TUUG LA QABTAY TALO MA LEH ), waxay-na la noqotay in uusan ka meer-meerin runta ee uu u  taabto walaalkii, wuxuuna u daah furey waxa jira iyo sida ay hankiisa ugu habsatay gabadha uu isaguba ka dhawaajiyay.

Siciid iyo Heybe waxay isla qaadaa dhigeen qorshahani in uu ka mid yahay qorshayaasha aas-aaska u ah nolosha, iyagoo isla qiray in naf walbaa u baahan tahay mid kale oo ay isla qeybsadaan nolosha iyo waayaheeda, waxayse ku kala aragti duwanaadeen sida loo qaabilayo, waayo Siciid wuxuu qabaa in aan la iska qaadan waxa ay naftu rabto ee laga fiirsado, wuxuuna ku yiri Heybe:-

Siciid:- Walaal waxaad ogaataa jaceylku wuu jiraa, deg-deg iyo ka badbadin-se wax kuma laha oo waa looga fiican yahay, sidoo kalena dumarka la isma raaciyo,  dadkii horena waxay oran jireen NAAG NIYADAADA BAR BAA LA SIIYAA, adigana waxaa iiga kaa muuqato gabar aad dharaar qura aragtay inaad laabtaada u hibeynayso, taas-na kuguma raacsani oo ka fiirso ayaan ku leeyahay.

Heybe hadaladaasi uguma muuqan kuwo dow ah, qof ahaana kuma qancin aragtida Siciid, sidoo kalena uma riyaaqin xigashadiisa xiriirka la leh dadkii hore, oo wuxuu aamin-san yahay in jiilka cusubi dhanka nolosha iyo wada qeybsiga waayaha ay kaga wanaagsan yihiin da’dii hore, dhib-na uluma muuqato in uu qalbigiisa oo dhan ku wareejiyo gabadhii uu ka helo ee uu janto.


La soco qeyb-ta xigta.

Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed.

[email protected]=


Add New Comment