Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 9aad)


 
Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’.

Qeyb-ta 9aad.


Arrimuhu wey is feer socdaan, faaleynta dhacdooyinkana nin-ba si buu u falanqeeyaa, faalka jaceyl ee ku foorara Heybe haddii loo fasiri lahaa Hooyo Libin, macneyn-ta falagu si kale ayay noqon laheyd, iyadu faalada meel kale ayay ka fiirineysaa, waxay-na faraha kula jirtaa sidii ay wiilkeeda ugu furdaamin lahayd mustaqbalkiisa, una farsamayn lahayd guri uu ku farxo oo uu mahdiyo, waa KAAF IYO KALA DHEERI.

Maamadu Fiin bay u heesaysaa, is-na foorida dabaysha ayuu dhegahiisa fayoobi uga raadinayaa, filashadiisa iyo waxay farta ku godeyso haddii la isku fiir-sho waxay noqonayaan labo ruux oo midkood joogo figta sare ee buur dheer, halka ruuxa kalena ku fiidsanayo gunta hoose ee buurta, kala fogaa halka ay waayaha adduun ku kala fooliniyaan!!!.

Heybe hooyadii waxaa isku qaban la’ qorshaha iyada u qaaska ah ee la xiriira          reereyn-ta wiilkeeda, waxay ku jah-wareersan tahay jaan goyn-ta iyo jilib u dhigida sidii ay u jerin lahayd gabadha ay maankeeda uga calmatay wiilkeeda.

Waxaa u sawiran mid jaaha la moodo dayax shan iyo tobnaad ah, joogana la meel ah Geenyo si wanaagsan loo xanaaneeyay, welibana ka soo jeeda qoys si walba u wanaagsan bul-shaduna aad u tixgeliso, taas oo ay korisay soona barbaarisay hooyo wacan oo ka tilmaaman asaageed, mid ka mid ah qolalka qalbigeeda waxaa ku qoran qofnimo sharfan oo ay ku tilmaansaneyso tii ay u aqoonsan laheyd inay tahay mida u qalanta ee marwo u noqon karta wiilkeeda.

Howl adduun qabyo kama dhammaato, dadkuna isma maan ogoo mid-ba meel buu diirada ku hayaa, Hooyo iyo wiilkeed ayaan is ogeyn iyagoo hal dan u wada jeeda, ayay haddana kala maan jeedaan.

Ileyn waa Hooyee waxay u xanjeeraneysaa sidii ay ugu guuleysan lahayd xulashada mid xaddaayad ah, u xar-dhan sidii Suleeqa, xuural ceyn la bah ah, quruxdu ku xargo goosatay, xaawaleyda la eyniga ah si walba uga xag jirta, ragoo dhami haasawaheeda xeerinayaan, oo kii ay xaas u noqoto nasiibku xaggiisa ahaaday, waa beer wax dhalay waana dadaashay Hooyo Libin, yaase u og?.....haddii loo dar-daar werin lahaa xaalka Heybe, waxay si kal iyo laab ah u oran laheyd WAXAAD DHASHAY KUMA DHALIN.

Liiska wanaag oo dhan ku aslan yahay ee ay ku xulaneyso inantii ay Sodohda u noqon lahayd ma la heli karaa mid buuxisa oo ku guuleysata? Haddii la helo-se ma noqonaysaa mid ogolaata inay Heybe oori u noqota? Haddiise ay ogolaato isagu ma aqbali doonaa in uu la dadab galo oo ay afadiisa noqoto? Waa su’aalo meesha ku jira asii ay moog tahay Hooyo Libin.

Qor-shaha guur ee Heybe wuxuu u muuqdaa mid si walba isugu qoofalan, oo dhinacyo badan qardoofo kaga imaan karto, xaaladuhuse ilaa iyo imminka waa kuwo dahsoon oo ku qufulan mareegta mustaqbalka, Hooyadii dhan bay wax u wadaa, isagii walaahow jaceyl ayaa ku weyn, tii uu arkoodeyna maqasheed-ba ka dhego la’ oo danaheeda adduun ayay iska wadataa, ogaal-na uma laha wiilka ay madaxiisa mijo u rogtay ee ay maan qaaday. 

Maxaa la kala og yahay, waa duni is gaadeysa oo si dul gawaanis ah gaadada iskugu heysa, maalmaha is daba jooga noo maraya ayay tahay inay arrimahaas oo dhan maareeyaan, meel-na saaraan xaaladaha meelaha kala duwan laga minguurinayo ee quseeya mustaqbalka iyo aayaha guur ee Heybe.

 

La soco qeyb-ta xigta.

Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed.

[email protected]=



Add New Comment