Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 8aad)



Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.

 

Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’.

Qeyb-ta 8aad.

 

Waxaa lagu tilmaami karaa Siciid in uu yahay qunyar socod aan si halhaleel ah ula qabsan dhaqamada kor kaxaaxiska ah ee ay qaar badan oo dhalinta maanta ahi qaayibeen, iyagoo meel iskaga xooray sooyaalkii dhaqameed ee ummaddu isku gudbin jirtay, isaga Siciiid ahina uma jeelana in uu kedis u calmado mida uu la qeybsanaayo aayatiinka nololeed, waana taas halka ay isaga iyo Heybe ku kala duwan yihiin, aan-se u deyno in qofba tiisu la qurux badan tahay, maahmaah horaa laga soo xigtay “NIN-BA QUMANIHIISAA QOORTA LOO SUREY.”

Haddiiba uu u qeexay aragtidiisa, dhegahana ugu dhibciyay in ay haboon tahay in uu kaadsado, uuna xusuusto sidii hore-ba loogu hadaaqey “HADDII DEG-DEGU DOOR DHALO, KAAD-SHIIYUHUNA KIISH LACAGEY DHALAAN”, hadduu Heybe yahay-na aanu kado ku qaabilin arrinta ku soo korortay iyo hamuunta u heysa muuqaal uu maalin keliya dheehday, Siciid dan buu uga baxay, wuxuuna isku daayay waqtiga rahman iyo wixii ribix ah ee uu Heybo ka helo.

Mar kale haddii aan milicsano keyd-ka murtida xaalka Heybe wuxuu la meel yahay halkii laga yiri “NIN MEELI U CADDAHAY MEELI KA MADOW, wax kastoo loo sheego uma dhug laha, dhankiisa dhool baa u hilaacay, balag baa loo lulay, naftuna waxay u jiideysaa gabadhii uu haraadka gayaan kula dul gowriirsaday gelin qura oo uu ku arkay gudaha dukaankooda.

Si aan la qiyaasi Karin oo qoto dheer ayay qudhiisu qamaam ugu tahay iyadaas, wuxuuna si kal iyo laab ah ugu koorseynayaa sidii uu u kasban lahaa gabadhaas laabtu u lulmaneyso sidii LEBI dabeyli had-ba gees u liicineyso, isagoo dhanka kalena farxad dareemaya haddiiba uu ka haray wasiisigii ayaamahan hayay, ee uu u magac bixin waayay.

Hubaal weeye in uu Heybe jaceyl haleelay, wuxuu curin ku raadinayaa howraartii uu ku soo hori lahaa tan uu u hayo jaceyl dhankiisa ka hirgalay, aan-se la isku halayn Karin in haye iyo jawaab hamiga u roon laga helo xaggeeda, caku jaceyl dhinac keliya ku hambariirsaday, iyo naf u hawaawiran ruux mooge ka ah rabitaanka heegada u suran ee hedeeda luraaya laxowgana kugu hafeefinaya.

Mida uu Heybe u kan-sho hayo oo ay waalidkii dhalay ugu halqabsadeen Haweeya, wey ka baraad la’dahay howsha isaga karkabada ku heysa,  kalif la’aan bay kifaaxeysaa, isagana kurbadeeda ayuu u kadeedan yahay, “MA KASEYNININ JACEYL KULEYL-KIISE, KEDISUU IGU SOO GALAY”, ayuu niyada iska yiraahdaa, laakiin yaa u og,  waa duni iyo caadadeed, LABO KALA BARIDAY KALA WAR LA’ ayuu xaalkoodu ku biyo shubanayaa.

Mid baase hubaal ka ah dhankeeda, waana inay tahay mid gayaankeeda sugeysa, nasiibkana gorofka u sidata, mid kalese hubaal looma hayo taas oo ah inay tahay Haween, lagana yaabo inay dardaarankii CARAWEELO deegta ku sidato, oo ay ku laado Heybe xumada uu la lelabayo ee lurka ku heysa, haba ka hesho haddii ay doontee.

Shidada ugu daranise waxay tahay sidee buu ku helaa Haweeya si uu ugu higaadiyo sida haqab la’aanta ah ee uu ugu heelan yahay dhankeeda, ma hayo tilmaan hagaagsan ee uu ku heli karo hoyga ay ku nooshahay iyo halka ay ku hirato, dani waa seetee wuxuu ku qasban yahay in uu sugo dharaar ay timaado dukaanka sidii hore u dhacday, ama uu si kedis iyo lama filaan ah uu ula kulmo iyadoo meelaha xan-shaasheysa.

Dhanka kalena Siciid wuxuu si la yaab ku dheehan yahay dhaayaha ugu hayaa Heybe, isagoo dhabanada la heysta hab dhaqankiisa, kaasoo qof ahaan isaga ula muuqda in uu yahay nin naftiisa dhib u abuuraya, kuna jahwareerinaaya wax aan jirin oo ay tahay in aan la isku howlin inta ay waayuhu fursad kuu siinayaan, labadoodu sida ay u kala fikrad duwan yihiina waa mid caadi u ah aadanaha.

Aadmigu waa kala maan, qof wuxuu jecel yahay ayuu qof kale ka qaawisaa iskana fogeeyaa, iyadoo arrin wanaag ula muuqata ruux, ay dhici karto inuu ruux kalena u arko wax hooseeya oo iska liita, WAXAAD CEEBTA U TAQAAN QOF BAY CAMALKIISA TAHAY, fanaankii mirahaas maskaxdiisa ka maalay mala’waal kuma hadlinee runtuu noo micneeyay.

Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed.

[email protected]=

 


Add New Comment