Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 2-aad:-
HAL-XIRAALIHII HAMIGA.
Qeyb-ta 6aad.
Siciid iyo Heybe waxay
isla qaadaa dhigeen qorshahani in uu ka mid yahay qorshayaasha aas-aaska u ah
nolosha, iyagoo isla qiray in naf walbaa u baahan tahay mid kale oo ay isla
qeybsadaan nolosha iyo waayaheeda, waxayse ku kala aragti duwanaadeen sida loo qaabilayo,
waayo Siciid wuxuu qabaa in aan la iska qaadan waxa ay naftu rabto ee laga
fiirsado, wuxuuna ku yiri Heybe:-
Siciid:- Walaal waxaad
ogaataa jaceylku wuu jiraa, deg-deg iyo ka badbadin-se wax kuma laha oo waa
looga fiican yahay, sidoo kalena dumarka la isma raaciyo, dadkii horena
waxay oran jireen NAAG NIYADAADA BAR BAA LA SIIYAA, adigana waxaa iiga kaa
muuqato gabar aad dharaar qura aragtay inaad laabtaada u hibeynayso, taas-na
kuguma raacsani oo ka fiirso ayaan ku leeyahay.
Heybe hadaladaasi uguma
muuqan kuwo dow ah, qof ahaana kuma qancin aragtida Siciid, sidoo kalena uma
riyaaqin xigashadiisa xiriirka la leh dadkii hore, oo wuxuu aamin-san yahay in
jiilka cusubi dhanka nolosha iyo wada qeybsiga waayaha ay kaga wanaagsan yihiin
da’dii hore, dhib-na uluma muuqato in uu qalbigiisa oo dhan ku wareejiyo
gabadhii uu ka helo ee uu janto.
Siciid yare goor hore ayuu
ka shakiyay xaaladaha ku shakaalan Heybe, haatan-se waxaa u caddaatay in lagu
shaamareeran yahay, welibana uu la huluban yahay hilow, sheeko kooban oo lagu
laray kaftan reer magaal ayay is weydaarsadeen Siciid iyo Heybe, iyadoo xudunta
wadahadalkoodana ay ahayd xaaladihii ugu dambeeyay ee ku xeernaa Heybe, iyo
maahsanaantii intii muddaaba moorada ka dhigatay maankiisa, waxaana
hadalka ku horeeyay Siciid oo ku yiri Heybe:-
Siciid:- Intii muddo ah-ba
waan kugu maqnaa, ad-na waad isku maqneyd, marar badan ayaanan ku weydiiyay
waxa kugu soo kordhay, laakiin waad dabooshay xaaladaha oo daah baad saartay,
waxana la yiraahdaa ninkaad wax ku qarsan lahayd lagama qarsado, waxaad
qarsanayso intii aanay ku qarsan maad si quman oon qalooc lahayn ii
qurqursiisid waxa laabtaada qulubka geliyay.
Heybe wuxuu u muuqday ruux
sirtiisi la kashifay, intii aanu hadlina dareenkiisa ayaa sawir guud ka bixiyay
waxa saabkiisa ka buuxa, isagoon is hubin ayuu su’aashii Siciid kaga jawaabay
sidan meer-meerka ah:-
“Eeeen …. Waa runtaa dad
wax kala qarsada maahin, qof ahaana ma tihid ruuxii aan wax ka qarsan lahaa,
waxaad-se moodaa in aad deg-degayso, ood ka hor dhacayso xaalado aan imaan,
marka u kaadi arrimuhu maaha sidaad moodeyso.”
Isagoo u sii holanaya in
uu hadalka sii wato ayaa waxaa la hor dhigay su’aal kaloo u dhignayd sidan:-
“ Hadda ma waxaad i
leedahay xageyga wax ku soo siyaaday ma jiraan?.”
Badiyaa waxaa dhacda in uu
qofku tuhmo in dadka kale og-yihiin waxa qalbigiisa suran, Heybe-na waxay la
noqotay in ina abtigii la socdo amuuraha ku qufulan laabtiisa, in cabaar ah-na
wuxuu raadinaayay wixii uu kaga jawaabi lahaa su’aasha sirgaxan ee uu Siciid
weydiiyay, isagoo aan weli helin jawaabtii uu siin lahaa ayuu Siciid ugu sii
daray:-
Siciid:- Ma xusuusataa in
aan horey kuu weydiiyay waxa si kaa ah ayaamihii ugu dambeeyay, mise ilowsan
tahay in aan la socday sida ay dareenkaaga u saaqday gabadhii ka mid ka ahayd
kuwii dan la’aanta dalaq noogu soo yiri, walaal ha is dabaalinine warka
daboolka ka qaad aan siday tahay kuula taliyee.
La soco qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=