Doorashada
Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa
sanadkiina la qabto halmar ayaa ka dhacday magaalada Johannesburg gaar
ahaan xaafada Soomaalida dagan tahay ee mayfair waxaana ka soo qeybgalay
qeybaha arday Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Koofur
Africa.
Gudoomiye
ku xigeenka Ururka ardayda Axmed Yuusuf Cadnaan oo furitaanka ka hadlay
ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Ururka sanadkii 2016-ka ee xilka ay soo
hayeen,waxaa uu xusay in howlaha badan ay u qabsoomeen kana qeyb qaateen
barnaamijyo badan oo wacyi galin ah kuwaa oo loo sameeynayay bulshada
Soomaaliyeed.
Xoghayaha
Ururka Cabdirisaaq Killas ayaa asna goobta ka hadlay waxaa sheegay in
mudadii ay xilka hayeen ay la kulmeen hay’ado badan oo deeq bixiyaal ah
isla markaana ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dhalinyarada
dooneysa in ay wax barato,waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaatooyin ay
ardayda kala kulmaan in deeqaha loogu talagalay ardayda masaakiinta ah
iyo kuwa agoomaha ah laga leexsado dad kale oo baahidaas aan qabina ay
isticmaalaan taana loo baahan yahay in bulshada meel ay uga soo wada
jeesato.
Sheikh
Axmed Cabdi ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Al bayaan ee dalka
Koofur Africa ayaa asna goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay la
shaqeyn doonaan ururka ardayda .
Intaasi
kadib waxaa la guda galay cod bixinta cida noqoneysa gudoomiyaha ururka
ardayda Soomaalida ee dalkaan Koofur Africa waxaana xilkaasi u taagnaa
laba musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdirisaaq iyo Saciid waxaana ay
ardayda hortooda ka jeediyeen waxa ay qabanayaan hadii codadkooda ay
helaan.
Maxamuud
Cabdi risaaq ayaa ku guuleystay doorashada markii uu helay codad
gaaraya 34 halka musharaxa la tartamayayna uu helay 16 waxaaana sanaddka
2017-ka ardayda hogaamin doona Maxamuud Cabdirisaaq sida ay ku
dhawaaqeen guddiga doorashada.
Intaasi
kadib waxaa ardayda ka kala timid gobolada dalka qado sharaf u sameeyay
ururka dhalinyarada ka hortaga qabyaalada Caydaruus Ismaaciil oo ah
agaasimaha ururkaan qeybtiisa South Africa ayaana soo agaasimay waxaana
goob joog ahaa gudoomiyaha jaaliyada Caamir sheikh.
Caydaruus
ayaa ardayda waxaa uu ugu baaqay in ay tusaale u noqdaan carruurta
halkaan ku dhalata ee Soomaalida ah ayaga oo ka caawinaya in ay helaan
arday ay raaci karaan dhanka waxbarashada iyo isku xerka waxaana uu
sheegay in uu aad u garabtagan yahay ardayda.
Caamir
Sheikh Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa dhankiisa goobta ka hadlay waxaa uu
sheegay in aqoonta ay tahay sida mugdi iyo iftiin qofka aan aqoonta leh
looga baahan yahay maskax wanaagsan oo wax lagu hogaamin karo waxaa uu
ka codsaday in bulshada Soomaalida aysan ka dhaxbixin oo ay wacyi
galinta u sameeyaan dhalinyarada.
Waa
doorashadii saddaxaad oo ururka ardayda Soomaaliyeed Yeesho waxaa
markii ugu horesay lagu qabtay magaalada Cape Town ayada oo labadii
xilli ee ugu dambeysay lagu qabtay magaalada Johannesburg.