Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo iska casilay xilkii uu u hayey maamulka Galmudug



ABDKRM HSSN GLD.jpgMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta si rasmi ah warbaahinta gudaha ugu shaaciyey in uu iska casilay xilkii madaxweynenimo ee uu  u hayey maamulka Galmudug.

Is casilaadda mudane madaxweyne Cabdikariim kariin Xuseen Guleed ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sababo caafimaad, ayadoo sida la wada og yahay uu bilihii uu dambeeyey ku noqnoqonayey baritaanno caafimaad oo uu u tagayey dalka dibeddiisa. Waxa kale oo la sheegayaa in takhaatiirtii daweyneysay ay dhowr jeer oo hore kula taliyeen in uu ka nasto siyaasadda muranka iyo is-qabqasiga ku dhisan ee guud ajaan Soomaaliya, gaar ahaanna gobollada dhexe ee Soomaaliya...


Add New Comment