Madaxweyne Farmaajo oo mudane Xasan Cali Kheyre ra'iisul-wasaare u magacaabay




Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ra'iisalwasaare
u magacaabay Xasan Cali Kheyre.


Xasan oo ah nin dhallin yaro ah ayaan horay ugu sii jirin saxada siyaasadda Soomaaliya.  Madaxweynaha ayaa magacaabistan sameeyay hal maalin uun kaddib markii ay maalinimadii shalay dhacay xafladdii caleemasaarkiisa

.Warkan ayaa si kooban loogu shaaciyay barta madaxtooyada ee Twitterka, waxaana sidoo kale daabacay Idaacadda dawladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre wuxuu 1968-dii ku dhashay magaalada Muqdisho. Wuxuu ka soo shaqeeyay arrimaha gargaarka.

Wuxuu dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho. Wuxuuna jaamacad ka dhigtay dalka Norwey. Wuxuu bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Xasan Cali Kheyre ayaa ahaan jiray madixii hay'adda gargaarka ka shaqeyso ee NRC. Wuxuu u qaabilsanaan jiray Soomaliya iyo Yaman.

Sidoo kale waa ganacsade wuxuuna agaasime ka yahay shirkadda shidaalka ee Som Oil and Gas, qeybteeda bariga Afrika.

Wuxuu haystaa dhalashada Norwey, wuxuuna dhowaanahan ku noolaa dalka Britain.


Add New Comment