Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah
loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya.
Intii
ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Mudane
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Xil
wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa uga
mahadceliyey madaxweynihii hore dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey
afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay u
bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuumaddiisa,
Mdaxweynaha
ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay
ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaaliya oo loo baahanyahay wada
shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.
“Shacabka
Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan
tahay taageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo
waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is
cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha
dalka. Dowladdu waa dowlad shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha
dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an
tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka
Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla
markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u
sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee
aasaagooda ah.
Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey
dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka
Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda aan la soo
gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah.