T A C S I - Innaa lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun







Waxaa aroornimadii hore ee maanta oo Axad 25-ka Disember ah ku geeriyooday magaalada Zarqa ee dalka Jordan, Allaah ha u naxariistee marxuum Xaaji Axmed Qaasim Cali (Afgooye) oo da'diisu ahayd 100 sano jir.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa odayaashii magaca ku lahaa magaalada Afgooye, waxa uuna ifka kaga tagay carruur isugu jirta kuwo uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen, kuwaas oo ku kala sugan dunida daafaheeda.

Geerida marxuum Axmed Afgooye waxa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo asxaabtiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaana si gaar ah loo ogeysiinayaa dadka reer Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

T A C S I

Halkan waxa tacsi ku aadan geerida marxuum Axmed Qaasim Cali ka diraya jaalliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Orkanger ee bartamaha dalka Norway, ayagoo si gaar ah ugu tacsiyeynaya walaalkood Ilyaas Axmed Qaasim iyo qoyskiisa oo ayaaguba ka tirsan jaalliyadda magaalada, sidoo kale waxa looga tacsiyeynayaa Allaahna loogaga dalbayaa inuu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida marxuumka carruurtiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan dadka reer Afgooye, asagana uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, aamiin.

Add New Comment