Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi Ka socda Jarmalka oo Ka wada hadlay Dhismaha Ciidamadda XDS



Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wafdi ka socda dawladda Jarmalka oo hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalalka Africa  Danjire Georg Schmidt, Waxana ay Ka wada hadleen xoojinta taageerada ay siiso Dawladda Jarmalka Ciidanka Xoogaa Dalka.

Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Jarmalka taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Dhismaha Ciidamadda.

“Waxaan ku ammaanayaa Dawladda Jarmalka taageeradeeda ku aadan dhismaha Ciidamadda, kulanka aan la yeelanay Danjire Georg wuxuu Mar kale sii xoojinta doonaa taageerada ay dalkeena la garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federal Ka Jarmal”ayuu yiri Wasiir Diini.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog Ka ahaan masuuliyiin Ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Xubno sare oo Ka socday Dawladda Jarmalka.

Add New Comment