Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Mareykanka





Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Hadliye Cumar ayaa  maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka wakiilka uga noqon doona dalka Soomaaliya Mr, Stephan M. Schwartz.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweynaha dalka Mareykanka Mr. Barak Obama uu Mr, Stephan u soo magacaabay inuu dalkiisa safiir uga noqdo dalka Soomaaliya.

Danjire  Schwartz ayaa sheegay in magacaabistiisa ay tahay calaamad muujineysa sida uu u xoogeystay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo noqoneya safiirkii ugu horeeyay Mareykanka u soo diraan Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Waxaa uu intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay in uu fursad u helo in dadka Soomaaliyeed uu ka caawiyo dhisamaha nabadda iyo xasiloonida wadanka ku yaala geeska Afrika ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa tilmaamay in mudada uu xilka hayo uu ahaan doono saaxiib dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin isla markaana gacan ka geysta sidii Soomaaliya u noqon laheyd wadan ay xoogan yihiin hey’adahiisa ayna yihiin kuwo dimoqraadi ah.

“Waxaan ka caawin doonaa xaqiijinta amniga, dhismaha hey’ado dimoqraadi ah,ku dhaqanka sharciga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaliya,” ayuu yiri danjire Schwartz.

Ugu dambeyntii danjire  Schwartz ayaa amaanay horumarka ay Soomaaliya sameysay sideedii sano ee la soo dhaafay waxaama hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku booriyay in wixii karaankooda ah ay ku bixiyaan sidii loo hagaajin lahaa nolashada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa la fileyaa in uu ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya markaas oo uu noqon karo danjire xillkiisa gudan karo.




Add New Comment