Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Jarmalka




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ugu qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.


Add New Comment