Madaxweynaha Galmudug oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho



Mas'uuliyiin uu horkacayo ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo muddooyinkii dambe xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka India.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey mas’uuliyiinta uu horkacayey ra’iisul wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleen ayaa dalka India lagula sameeyey qaliin fudud oo dhinaca wadnaha ah, iyadoo iminka uu dib ugu soo laabtay Muqdisho isaga oo xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee u fadhiya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne Guuleed ayaa shirka kadib qorshuhu yahay in uu u amba baxo magaalada Cadaado oo xarun KG u ah dowlad goboleedka Galmudug, si uu halkaasi uga sii wado howlaha kala duwan ee maamulkiisa uu hayo, oo ay qeyb ka tahay u diyaar garowga doorashooyinka la filayo sanadkaan 2016-ka in dalka lagu qabto.


Add New Comment