Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia oo ka digay in dalkiisu uu lugaha lasii galayo xasilooni darro





Qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu weyn qowmiyadaha dalka Ethiopia ayaa ku baaqday in laysugu soo baxo dibadbaxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi dhammaadka toddobaadkan, kaasoo ay ku diiddan yihiin dilalka joogtada ah iyo ku xadgudubka xuquuqda bani'aadamka.

Ra'iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey horraantii toddobaadkan ka digay in dalkiisu uu lugaha lasii galayo iska horimaad dhex mara qowmiyadaha dalkiis, kaasoo u ekaan doona waxa ka jira dalalka deriska la ah dalkiisa, taasoo sida la sheegay uu ula jeeday dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Sidoo kale waxa dhammaadkii toddobaadkii tagay magaalada waqooyiga dalkaasi ku taalla ee Gondar ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday maamulka dalka Ethiopia, kaasoo ay dhigayeen qowmiyadda labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Amxaarada, kuwaasoo weliba watay calankii hore ee Ethiopia.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, hase ahaatee arrintu waxay ku xiran tahay sida ay dowladda Ethiopia u qaabisho caqabadahan isa soo taraya ee ay qowmiayadaha dalkaasi kaga gilgilanayaan xadgudubyada la sheegay iyo kelitalisnimada lagu eedeeyey xisbiga hoggaamiya dalka.


Add New Comment