Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka ururka Iskaashiga Islaamka



Wasiirka arrimaha Dibadda iyo dhiiri gelinta maalgashiga Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya Danjire; Maxamed Idiris Sabaan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dar dar gelin lahaa howlaha uu haatan dalka ka wado.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii howlaha ururka isklaashiga Islaamka Soomaaliya uu uga shaqayn lahaa horumarinta guud ee dalka halka uu markii hore ku ekaa dhinaca arrimaha beni’aaddannimada oo keliya.

Safiirka aayaa ballan qaaday in xafiiskiisa uu kaalin mug leh ka qaadan doono horumarinta guud ee dalka Soomaaliya,tallaabadaas oo ay dowladda Soomaaliyana soo dhawaysay.

Ururka iIkaashiga Islaamka (Organisation of Islamic Cooperation)  OIC, oo fadhigiisu uu yahay Magaaladda Jiddah ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa Soomaaliya waxa uu ka taageeraa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha beni’aadanimada.

Add New Comment