Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo maanta furmay




Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho, kaasoo ah sanadkii labaad oo la qabtay bandhigan, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dad kala duwan oo ka yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Bandhigan ayaa socon doona saddex maalmood, waxaana qorayaal Soomaali iyo ajaaniib isugu jira ay ku soo bandhigayaan buugaagta ay qoreen.

Maxamed Diini oo ah Madaxa Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ka hadlay ujeedada bandhigan iyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay, isagoo xusay in bandhigan uu yahay mid aqoon iyo cilmi lagu kororsan doono, isagoo xusay in Soomaalida oo dhan lala wadaagato wanaag, cilmi iyo aqoon.

Waxaa uu u mahad celiyay dhamaan dadka ka qeyb galaya bandhigan ee ka timid dhulalka Soomaaliyeed, waxaa uu xusay in bandhigan uu tusaale u noqon doono Soomaaliyada cusub mustaqbalkeeda.

Qorayaasha bandhigan lagu casuumay waxaa ka mid ah Faaraxa Qarre oo dhowr buugaag qoray, waxaana uu soo bandhigay buugiisa waaya arag, sidoo kale waxaa ku jira Wariyaha rug cadaaga ah ee horay ugu soo shaqeeyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Xasan,

Sidoo kale dadka buugaagta qoray ee bandhigan buugaagtooda lagu soo bandhigayo waxaa ka mid ah Axmed Faarax Idaajaa.

Wariyihii hore ee BBC Andrew Harding ayaa ka mid ah qorayaasha martida ku ah bandhigan, wuxuuna qoray buug loogu magac daray The Mayor of Mogadishu (Duqa Magaalada Muqdisho).

Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa buug uu ka qoray xaalada Soomaaliya oo magaciisa yahay Qarankii is dal-dalay oo ku qoran afka English.

Sidoo kale waxaa buugaagta la soo bandhigayo ka mid ah kuwa ka hadlaya dhaqanka, suugaanta, qoyska, nolosha, jaceylka iyo kuwa kale.

Dhamaan dadka ka qeyb galay ayaa ahaa kuwo aad ugu hamuun qabay inay arkaan bandhigan noocaan oo kale ah oo lagu kororsanayo aqoon iyo cilmi, waxaana buugaagta madasha lagu soo bandhigay ku jiray kuwa laga qoray Madaxweynayaal, halgamayaal soo maray adduunka iyo shaqsiyaad kale oo caan ahaa.

Add New Comment