Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir muhiim ah




Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta magaalada Naiarobi ee xarrunta Wadanka Kenya waxa uu ka furay shir looga hadlayay istiraatijiyadda ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda dalkeena Soomaaliya iyo sida loo difaaci karo kheyraadka dalka.

Shirka oo socon donna muddo 3 maalin ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maamul goboleedyada ka jira dalka, deeq bixiyaasha caalamka,UN-ka iyo urruro caalami ah, waxaana soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasaddor , Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka Garsoorka, dastuurka iyo arrimaha diinta ee maamul goboleedka Jubbaland mudane Aadan Ibraahim Aw-xirsi  ayaa ujeedada shirkan sharraxaad ka siiyay Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaanu halkaan u joognaa shir magaaladatan Nairobi ka dhacaya oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada ka midka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ay ka soo qeybgaleen dad badan oo deeq bixiyaasha caalamka ah iyo hay’ado UN-ta ah iyo ururo caalami ah ay ka soo qeybgaleen. Shirkaan wuxuu ku saabsanyahay istiraatijiyadda ka faa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya badeeda iyo sidii loo difaaci lahaa kheyraadka Soomaaliya ayuu ku saabsanyahay.  Wuxuu socon doonaa 15-ka ilaa 17 ka Agust” ayuu yiri Wasiirka.

Shirkan ayaan aheyn kii u horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto qeybo kamid ah waddamada Afrika.



Add New Comment