Muxamed Faarax oo mar kale ku guuleystay orodka 10.000 m. ee Olympic 2016



Orodyahanka Soomaaliyeed ee reer Britain ayaa mar kale ku guuleystey billadda dahabka ah ee orodka 10,000m, isagoo intii uu tartanku socday kufay balse ka kacay kana badiyey orodyahanka Kenya ee Tanui.

Farah oo ah orodyahan British ah oo ku guuleysta saddex billadood oo dahab ah tartanka olombikada ayaa waxaa kufiyay orodyahana u dhashay dalka Maraykanka Galen Rupp oo ay isku macalinka yihiin.

Orodkii xalay ayaa noqday mid la yaab leh kadib markii uu Mo Faah safka ugu dambeeya uu ka soo cararay oo uu dhaafay dhamaan orodyahanadii kuwaasoo safka hore ay ku jireen orodyahano u dhashay dalalka Kenya iyo Ethiopia waxana uu wareegii ugu dambeeyay muujiyay inuu yahay qof aan laga daba hadli karin orodada dhaadheer ee caalamka.

Mo Farah ayaa difaacday orodka 10,000m, isagoo sanadkii 2012 tartankii ciyaaraha Olimbikada ku guuleystay biladaha dahabka ee orodka 5,000 iyo 10,000 mitir.


Add New Comment