Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaarada Cadaalada oo xilkiisa loo dhaariyay



muungaab.jpgMunaasabad si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Xubnaha labada Gole ee Dowladda iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta waxey ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa aheyd mid lagu dhaarinayay Wasiiru Dowlaha cusub ee Cadaalada, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xubnaha labada Gole ee ka qeyb galay Xafladaasi dhaarinta aheyd, hadalo koobanna ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha cusub in uu si wanaagsan uga shaqeeyo sinaanta iyo Cadaalada.

Dhawaan ayay aheyd markii digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loogu magacaabay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaarada Cadaalada, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.


Add New Comment