Xog hayaha guud ee QM ayaa soo dhaweeyay ku dawaaqida jad walka doorashada sanadkan 2016



Xoghayaha g uud hay`ada qaramada midoobay ban ki-moon syaa soo dhaweeyay ku dawaaqida jad walka doorashada sanadkan 2016. Kaas oo ay ku cadahay in doorashada madaxweynaha ay dheceeyso dhamaadka bisha october.

Gudiga hirgelinta doorashada Soomaaliya ayaa shaaciyay jad walka doorashada ee dalka kaasi oo sheegaya in doorashada Baarlamaanka ay dheceyso laga 24-september ilaa 10-october, Halka madaxweynaha ladooranayo 30- October.

Hogaamiyayaasha madasha wada tashiga qaran oo shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa shalay meelmariyay jad-walka doorshada oo ay horay ugu dhawaaqeen gudiga hirgelinta doorashada.

“Geedi socodka doorashada 2016 ee Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay safarka dheer oo ay Somaaliya ku gaarayso dimu quraadiyada” sida lagu sheegay war bixinta xafiiska afayeenka xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u jeediyay gudiga doorashada iney hubiyaan sadax meelood mel in kuraasta Baarlamaanka ay heleen haweenka. isagoo oo dhinaca kale uga digay dhamaan dhinacyada siyaasiyiinta talaaba kasta oo keeni karta dib udhac.

Hogaamiyayaasha madasha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulmaan horaanta bisha soo socota ee September sida ku cad war murtiyeed kii ka soo baxay shirkii madasha ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho .


Add New Comment