Ra'iisal-wasaaraha Soomaaliya: Wuu hirgalayaa maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe



CCC Sh.jpgRa’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke  ayaa sheegay in uu guulaysan doono qorshaha lagu soo dhisayo maamul ay ku midaysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ra’iisal wasaaraha oo u warramayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha dhismaha maamulka ay ku midoobayaan labada gobol ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Ra'iisal-wasaare Sharmaake ayaa intaas ku daray in hirgalinta maamulkaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hirgelinta nidaamka  federaalka ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday bulsho weynta Soomaaliyeed in la taageero dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, si loogu gudbo fulinta hawlo kale oo Qaran.


Add New Comment