Turkish Airlines oo Duullimaadkii Muqdisho dib u billaabeysa



Shirkadda Turkish Airlines ayaa duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho dib u bilaabaysa bartamaha bisha May ee soo socota, kaddib markii ay hakisay bishii Feberaayo ee Sannadkaan, waqtigaasoo Diyaaradda Daallo Airlines uu ka dhex-dhacay Qarax khasaare geystay.

Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Somalia C/waaxid Sheekh Cumar ayaa Sheegay in diyaaradda Turkish Airlines ay billaabayso duulimaadyadii ay Muqdisho ku imaan jirtay bartamaha bisha May.

“Diyaaradda Turkish Airlines, waxay duulimaadyadeedii joogtada ahaa ee ay Muqdisho ay ku imaan jirtay dib u billaabi doontaa Bartamaha Bisha May ee soo socota, Waxaana xusid mudan in Shirkada Turkish Airlines ay la imaanayso Ciidamadii Amaankooda Sugi lahaa,” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda duulista Hawada ee Somalia, C/waaxid Sheekh Cumar.

Sidoo kale, Intii ay duulimaadyada diyaarada Turkish Airlines ay hakadka gashay, waxaa booskeeda buuxiyay shirkadaha Jubba Airweys iyo Daallo Airlines.

Dhanka kale, Duullimaadyada Turkish Airlines oo markii hore ku billowday Toddobaadkii laba jeer, ayaa isku beddelay Duulimaad maalinle ah oo ay Muqdisho ku Timaaddo, iyadoo ahayd diyaarad ay inta badan raaci jireen Soomaalida ka imaanaysa iyo kuwa ku laabanaya Yurub, Ameerika iyo dalal kale oo Calaamka ah.

Turkish Airlines, ayaa waxay Duullimaadyadeedu ahaayeen kuwo toos ah oo isaga-gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul, iyadoo ahayd Diyaaraddii ugu horreysay oo duulimaadyo heer caalami ah ku timaadda Muqdisho muddo ka badan 20 Sannadood.

Ugu dambeyn, Diyaarada Turkish Airlines ayaa duulimaadyada ay Garoonka Muqdisho ku imaan jirtay billowday sanadkii 2012-kii, balse waxay si lama filaan ah u hakisay billowgii bishii Feberaayo ee Sannadkan, kaddib markii Qarax uu ka dhex-dhacay diyaaraddii Daallo Ailines oo Muqdisho ka duushay kuna socotay Jabuuti.

Dib u billaabashada duulimaadyadii tooska ahaa ee Turkish Airlines ayaa waxay Rajo weyn gelinaysaa guud ahaan Rakaabkii Soomaaliyeed oo Macaamiisha u ahaa, iyadoo Qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ay sheegatay Al-shabaab, haatanna ay u xiran yihiin 13 ruux.


Add New Comment