Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada dalka  maanta ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan ayaa markii uu gaaray magaalada Jowhar soo dhoweyn ballaaran kala horyimid madaxda maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe, kan degmada Jowhar, culimaa'udiin, odayaal, waxgarad iyo dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay soo dhoweynta madaxweynaha.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa waxa aad u adkeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ayagu ka howlgala gobolka Sh/Dhexe.

Madaxweynaha oo isla maanta kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku soo hormaray degmada Balcad ee isla gobolkaasi Sh/Dhexe, halkaasoo ayadana si weyn loogu soo dhoweeyey, kaddibna uu halkaasi kula hadlay mas'uuliyiintii iyo dadweynihii faraha badnaa ee isugu soo baxay soo dhoweyntiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maalinimadii shalay booqasho ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxda maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM.



Add New Comment