Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu
soo gaba gabeeyay qabashada Araajida Musharixiinta u taagan qabashada
Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorsahada
Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya Maryan Cali Khaasin oo la hadashay Warbaahinta
ayaa waxa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in lasoo gaba gabeeyo
qabashada Araajida Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya,
iyadoo xustay in dadaal badan loo sameeyay arrinkaani.
Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka Labaad ee
barlamanka Soomaaliya Mahad Cawad oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dhawaaqay
10-ka Musharax ee ugu horeysa oo maalinta biri ah qudbado ka hor jeedin doona
barlamanka Soomaaliya.
Liiska Magacyada Musharixiinta u taagan
qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
1-C/raxmaan Macalin Baadiyow
2-C/waaxid Cilmi Goonjeex
3-C/llaahi Axmed Caddow
4-C/wali Maxamed Cali Gaas
5-Maxamed Cabdulaahi
Farmaajo
6-Axmed Ismaaciil Samatar
7-Xasan Sheekh Maxamuud
8-Shariif Sheekh Axmed
9-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
10-Cumar Salaad Cilmi
11-C/raxmaan Maxamed Cabdi
Xaashi
12-Bashiir Nuur Xasan Bidaar
13-Xaaji Maxamed Ismaaciil
Yaasiin
14C/qaadir Cosoble Cali
15-C/raxmaan C/shakuur
Warsame
16-Xuseen Khaliif Jaamac
17-Maxamed Axmed Saalax
18-Salaad Cali Jeelle
19-Ibraahim Cali Xuseen
20-Saciid Ciise Maxamuud
21-Cismaan Maxamed Gacal
22-Maxamed C/llaahi Oomaar
23-Maxamed C/wali Sheekh
Yuusuf
24-Maslax Maxamed Siyaad
Barre
25-Zakariye Maxamuud Xaaji
Cabdi
Si kastaba waxaa jira Musharixiin badan oo ku
sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kuwaasi oo aan maanta
lagu soo qorin Liiska Musharixiinta soo dhameystiray Shuruudaha.