Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo
Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaaray magaaladda
Djibouti ee caasimadda dalka jibouti isagoo kasoo duulay magaaladda
Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga.
Ra’isul Wasaaraha
Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo dhoweeyay
Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha dalka
jibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u
fadhiya dalka jibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “ Guulwade” iyo
Mas’uuliyiin kale oo Dawladda Djibouti ka tirsan.
Ra’isul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Wasiirka
Gaashaandhiga , Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka
Khayraadka waxana dalka jibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula
qaadan doonaan madaxda dalka jibouti qaar kamid ah, waxana ay ka wada
hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka,
Siyaasadda iyo Ganacsiga.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale
booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee jibouti oo
arrimo badan aan iska kaashan doonno sida Dib-u-dhiska, Amaanka,
Siyaasadda iyo Ganacsiga” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Dhanka kale Ra’isul Wasaaraha
Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa booqashadan rasmiga ah
ee dalka jabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho rasmi ah ku tagi
doonaan dalka Yemen.
Ra’isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa
ku soo sagootiyay Garoonka Caalamiga ah ee magaaladda Jeddah ee
Boqortooyadda Sucuudiga Wasiirka Xajka iyo Awqaafta ee Sucuudiga Mudane
Bandar Xijar,iyadoo Ra’iusl Wasaaruhuna uga mahadnaqay Boqortooyadda
Sucuudiga kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay diyaarka
ugu yihiin in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, sidoo
kale waxaa Ra’isul Wasaaruhu uu uga mahadceliyay hanaankii qiimaha
badnaa ee Boqorooyaddu ay ugu soo dhoweysay magaaladda barakaysan ee
Makka oo isaga iyo wafdigiisu ay ku guteen Cumrada.
Intii uu
Ra’isul Wasaarahu ku sugnaa Dalka Sucuudiga waxaa Xukuumaddu ay
heshiisyo la saxiixatay Bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadani ay isugu
jiraan mashaariic deg deg ah iyo qorshayaal socon doonaa 7-da sano ee
soo socota , kuwaasi oo lagu hormarinayo Adeegyadda Bulshada,
Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tayeynta Hay’adaha Dawladda iyo soo nooleynta
mashaariicdii Bankigu ka fulin jiray Somaaliya.